Tan iyo 15-kii bishii Maarso, Yaman ayaa gashay waji cusub, iyadoo maamulka madaxweynaha Mareykanka Doonal Taraam uu billaabay ol-ole millatari oo ka dhan ah kooxda Xuuthiyiinta, si u joojiyo weerarrada ay ku hayaan maraakiibta u rararan Yahuudda iyo reer Galbeedka.
Yaman ayaa waxaa tan iyo dabayaaqadii sannadkii 2014-kii ka socday colaado sokeeye, kadib markii Xuuthiyiinta ay la wareegeen gacan ku haynta caasimadda Sanca iyo magaalooyin kale.
Muddo ka badan 10 sano, waxaa dalkaas ka aas-aasmay dhismooyin ciidan oo kala duwan, iyadoo ay badalantay kharirradda hab maamulka ee Yaman, kadib dhacdooyin badan oo ay dhiig badani ku daateen, illaa dalkaasi loo kala qeybiyay Xuuthiyiinta iyo isbaheysiga dabacsan ee ciidamada milateriga iyo dhismooyin ciidan oo hoos yimaada dalladda Golaha Hoggaanka Madaxweynaha uu caalamku aqoonsan yahay ee Yaman.
Golahaas oo 7-dii Abriil 2022-kii uu yagleelay Madaxweynahii hore ee Yaman Mansuur Haadi, kadib wareegto kasoo baaxday, waxa ayna ka koobnaayeen siddeed xubnood, oo uu madax u ahaa madaxwaynaha haatan talada dalkaas haaya ee Rashad Al-Caliimi, sidaas ayuuna golaha ula wareegay dhammaan awoodihii madaxweynaha.
Golahan ayaa waxaa ku jiray hogaamiyayaal ka tirsan kooxaha hubeysan kuwaas illa waqtiyo dhaw xubin ka ahaa ka hor inta aysan ku dhawaaqin qaraarka ay isku khilaafeen dowladda. Sidoo kale waxaa ku jiray shaqsiyaad watay ujeedooyin kala duwan.
Geesta kale, ciidamada ku hoos jira dalladda Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalkaas ayaa gacanta ku haya gobollada Al-Mahrah iyo Xadaramowt, iyo qeybo ka mid ah Ma’rib, oo ay ku jiraan goobaha saliidda laga soo saaro, iyo sidoo kale qeybo ka mid ah bartamaha iyo koonfurta gobalka Taciz, oo ay ku jirta magaalada Taciz ee xarunta gobolkaas, iyo aagag yar oo woqooyi ka xiga goballada Sacdah iyo Xajjah, oo u dhow xudduudda Sacuudi Carabiya, iyadoo intaasi lagu darayo meelaha saxaraha ah ee maamul ahaan qayb ka ah gobolka Al-Jowf, laakiin aan lahayn xarumo dadweyne oo joogto ah.
Halka ciidamada dowladda ee Yaman ay ku sugan yihiin magaalada Cadan oo ah caasimadda ku meel gaarka ah iyo goballada Abyan, Shabwah, Laxajja, iyo qeybo ka mid ah gobolka Daalic, lakiinse deegaanadaas danbe waxaa si dhab ah u maamula ciidamada isugu yeero golaha ku meel gaarka ah ee koonfurta oo kamida kooxa hubaysan ee ka jira Yaman.
Kuwaas oo bishii Agoosto 2022-kii la wareegay gacan ku haynta xarumaha ciidamada dowlada ee gobolka Shabwah kadib iska horimaad kooban, iyaga oo si buuxda u xaqiijyay gacan ku haynta gobalkaas saliidda laga soo saara kuna biiriyay goballada kale ee ay gacanta ku hayeen.