Dowladda Taiwan ayaa u muuqata inay si dhab ah ugu baraarugtay baahida ay u qabto difaaca dalkeeda, kaddib markii ay muddooyinkii u dambeeyay kordhisay xilliga loogu talagalay tababarka ciidamada-qasabka ah oo hadda laga dhigay hal sano, isla markaana si weyn u kordhisay miisaaniyadda gaashaandhigga, si ay u iibsato diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaalada lidka maraakiibta. Waxaa sidoo kale muuqata in istaraatiijiyadeeda milatari ay ka guurtay hubka duuga ah, iyada oo hadda xoogga saareysa xeelado cusub oo kala duwan oo dhinaca difaaca ah kuna saleysan horumarin farsamo oo casri ah.
Khubarada milatariga ayaa ka walaacsan suurtagalnimada in Shiinuhu uu duullaan ku qaado Taywaan ugu dambeyn sanadka 2027-ka, Taywaan ayaana rajaynaysa in Maraykanku uu garab istaag buuxa u fidiyo haddii uu qarxo dagaal toos ah. Si kastaba ha ahaatee, natiijooyinka laga helay tijaabooyinka dagaalka ee la sameeyay ayaa muujinaya in haddii dagaalku qarxo uu noqon doono mid uu dhiig badan ku daato oo khasaare baaxad leh leh gaysta, iyadoo sidoo kale laga cabsi qabo in xaaladdu ay gaarto heer laisku adeegsado hubka Nukliyeerka.
Warbixin ay daabacday majalladda Mareykanka ah ee “Nashonaal Intarest” ayaa waxaa qormo lagu falanqaynayo arintaas ku qoray Raamuun Maarkis oo sheegta inuu yahay garyaqaan caalami ah, isla markaana ah ku xigeenka madaxa hay’adda “Madaxda Fulinta ee Amniga Dalka”, waxaana uu su’aal geliyay in Mareykanku uu dhab ahaantii difaaci doono Taywaan haddii uu dagaal qarxo. Wuxuu xusay in taliska milatariga Mareykanka ee gobolka Indho-Basifiga uu hadda si dhab ah ugu diyaar garoobayo, sidii uu uga falcelin lahaa xaalad kasta oo degdeg ah, taas oo waafaqsan shuruudaha ku xusan sharciga xiriirka Mareykanka iyo Taywaan oo faraya diyaarinta qorshayaal degdeg ah oo dagaal.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Joo Baydhan ayaa dhowr jeer si cad u sheegay, in dowladda Mareykanku ay difaaci doonto jasiiradda Taywaan haddii ay weerar kala kulanto dhanka Shiinaha. Qodobka labaad, qeybtiisa labaad ee dastuurka u dagsan Mareykanka ayaa siinaya madaxweynaha awood buuxda oo uu kaga jawaabi karo weerar kasta oo lagu soo qaado dalka, maadaama uu yahay taliyaha guud ee ciidamada, taas oo u oggolaanaysa inuu amar ku bixiyo adeegsiga awood ciidan.
Si kastaba ha ahaatee, awoodda fulineed ee madaxweynaha Mareykanka ma ahan mid u saamaxaysa inuu si keli ah ugu dhawaaqo isbahaysi difaac oo lala galo Taywaan, iyadoo aan la helin oggolaansho dheeri ah oo ka yimaada aqalka Kongareeska, sida uu dhigayo dastuurka u dagsan Mareykanka iyo sidoo kale sharciga awoodaha dagaalka ee dalkaas.
Raamuun Maarkis ayaa sheegay, in Mareykanku uusan wax heshiis milatari ah la galin Taywaan, isla markaana aanu jirin wax qaanuun federaal ah, oo uu ku jiro sharciga xiriirka Mareykanka iyo Taywaan, oo waajibinaya in Mareykanku si toos ah u difaaco jasiiradda haddii ay weerar la kulanto.