Sunday, June 29, 2025
HomeAll NewsMarinnada Ugu Muhiimsan Bariga Afrika iyo Loollanka ay Ugu Jiraan Dowladaha Caalamka.

Marinnada Ugu Muhiimsan Bariga Afrika iyo Loollanka ay Ugu Jiraan Dowladaha Caalamka.[WARBIXIN]

Sannadihii u dambeeyay, dawrka tiro ka mid ah marinnada dhaqaale ee xudduudaha isaga gudba ee Bariga Afrika ayaa kordhay. Waddooyinkani waxay noqdeen halbowleyaasha muhiimka u ah dhaqaalaha gobolka iyo qodob muhiim ah oo gacan ka geysta horumarinta hababka is-dhexgalka dhaqaale ee dalalkaas.

Hadaba waxaan warbixintan ku eegi doonaa ahmiyadda marinnadan iyo sida ay u noqdeen kaabayaasha horumarka. Waxaan sidoo kale dul istaag ku samayn doonaa sida ay marinnadani loolanka ugu jiraan dowladaha caalamka.

Waddada dhaqaalaha waxa kale oo loogu yeeraa “marinka horumarka” kaas oo ah erey muujinaya dabeecadda mashaariicdan, taasoo sare u qaadaysa waddooyinka isaga gudba xudduudaha inay noqdaan qalab lagu rari karo badeecadaha iyo adeegyada, kana dhigayso aalad dhiirigelinaysa horumarka bulsho iyo dhaqaale ee deegaannada ku xeeran marinnadaas.

Warbixin dheer oo cilmi-baaris ah oo sanadkii 2013-kii uu daabacay waxa loogu yeero Bangiga Horumarinta ee Afrika ayaa sharraxaysa, in hiigsigan lagu gaaray, in la sameeyo xarumo warshadeed iyo kuwo bulsho oo ay weheliyaan kaabayaasha gaadiidka, taasoo horseedaysa horumarinta deegaannada miyiga iyo xuduudaha, kordhinta dakhliga dadka dakhligoodu yar yahay, iyo abuurista fursado shaqo.

Sida lagu sheegay, qoraal la soo dhigay barta Internetka ee ururka isugu yeero Bulshada Dhaqaalaha ee Bariga Afrika, 10 waddo oo waaweyn oo dhererkoodu dhan yahay ku dhawaad ​​15 Kun oo kiiloomitir ayaa loo aqoonsaday inay yihiin Isku-xirka Waddooyinka Gobolka Bariga Afrika. Waddooyinkaas waxaa lagu kala gartaa, in mid walba uu leeyahay astaamo iyo ujeeddooyin u gaar ah, waxaana kamida kuwa ugu caansan:

Marinka Waqooyi, kaas oo ah mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee Bariga Afrika, waxa uu isku xiraa dekedda Mombaasa ee dalka Kenya ee ku dhirarsan Badweynta Hindiya iyo dalal dhowr ah oo aan bad lahayn oo ku yaalla Bariga iyo Bartamaha Afrika, kuwaas oo ay ku jiraan Yugaandha, Ruwaanda, Koonfurta Suudaan, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo iyo Burundi, marinkan waxa uu dhererkiisu gaarayaa 1,700 oo kiiloomitir.

Marinkan kasoo bilowda Mombaasa ayaa ah waddo ganacsi oo noocyo badan leh, taas oo ka kooban waddooyin dhulka, khadadka tareennada, dhuumo, iyo marin-biyoodyada gudaha ah, taas oo ay ka gudbaan inta u dhaxaysa 2 Kun illa 3 Kun oo baabuur xamuul ah maalintii.

Waxa kale oo kamida marinnada ugu caansan mid lagu magacaabo TAZARA, kaas oo kasoo bilaabmo dekedda magaalada Daaru Salaam ee dalka Tanzaaniya illaa magaalada Kaabiri-Mabuushi ee waddanka Zaambiya, waana waddo uu mari kara hal tareen oo kaliya, marinkan waxa uu dhererkiisu dhan yahay 1,860 kiiloomitir. Waxaa la dhisay 1970-meeyadii, waxaana loogu yeeri jiray ” Khadka tareenka ee xorta ah” sababtoo ah waxay u sahashay Zaambiya oo aan bad lahayn inay wax dhoofiso iyadoo sii maraysa dekedaha Tanzaaniya kana fogaato ku tiirsanaanta dekedaha Ruudsiyaa iyo dalka Koonfur Afrika, oo ay markaas xukumayeen caddaanka tirada yar.

Halkaan ka Degso Warbixinta Marinnada Bariga Afrika

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.