Markab ay saarnaayeen dad badan oo rakaab ah ayaa ku dagay xeebaha dalka Indunuusiya ee dhaca koonfur-bari caalamka, iyada oo shilalka noocan ah ay kusoo badanayaan dalkaas, maadaama uu yahay waddan ka kooban in kabadan 17 kun oo jasiiradood.
Ugu yaraan 4 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen, halka 38 kalena weli la la’yahay, kaddib Markab siday dad rakaab ah uu ku dagay meel u dhow jasiiradda Baali ee dalka Indunuusiya, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta dalkaasi maanta oo Khamiis ah.
Markabkan oo sidday 65 qof oo ay ku jiraan 53 rakaab ah iyo 12 shaqaale ah, ayaa quusay wax ka yar nus saac kaddib markii uu ka dhaqaaqay dekedda Ketabang ee gobolka Bariga Jaafa, isaga oo ku sii jeeday dekedda Gilimanuk ee jasiiradda Baali, markabkan ayaana ku tala jiray socodka safar qiyaastii gaaraya illaa 50 kiiloomitir.
Taliyaha booliska magaalada Banyuwangi, Rama Samtama, ayaa sheegay in ilaa hadda la helay 4 qof oo meyd ah, halka 23 qof oo kalena la badigoobayo, in badan oo ka mid ahna laga soo saaray badda iyaga oo aan miir lahayn, kaddib saacado ay ku qarqoonsanaayeen biyaha. Wuxuu intaas ku daray in 38 qof ay weli maqan yihiin, laguna jiro baadigoobkooda.
Markabkan ayaa sidoo kale waday 22 gaari, oo ay ku jiraan 14 gaari oo xamuul ah. Hawlgallada samatabbixinta ayaa waxaa ka qayb qaadanaya illaa sagaal doonyood oo gurmad ah, kuwaas oo wajahaya caqabado ay kamid yihiin mowjado hirar ah oo gaaraya ku dhawaad laba mitir oo dherer ah.
Shilalkan ayaa gudaha dalka Indunuusiya ka noqday kuwo soo noqnoqda, taas oo keenaysa jasiiradaha badan ee uu dalkan ka kooban yahay, maraakiibta yaryar iyo doomaha ayaana qayb wayn ka ah gaadiidka aadka looga isticmaalo Indunuusiya. Sanadkii 2018-kii, inka badan 150 qof ayaa ku naf waayay shil kan lamid ah oo ka dhacay harada Tooba ee jasiiradda Sumatra, taas oo ka mid ah harooyinka ugu qotada dheer caalamka.