Sunday, June 22, 2025
HomeAll NewsMaroodi Dad ku Dilay Deegaanno Katirsan Dalka Kenya.

Maroodi Dad ku Dilay Deegaanno Katirsan Dalka Kenya.

Wararla ka imaanaya dalka Kenya ayaa ku waramaya, in Maroodi uu laba ruux ku dilay ismaamullada kala ah Marsabit iyo Narok ee gudaha dalka Kenya.

Weerarka 01aad ayuu maroodigu ka geystay deegaanka Ndonyawas oo katirsan ismaamulka Marsabit, waxaana uu halkaasi ku dilay nin 30 jir ah oo ku sugnaa beertiisa.

Ninkaan ayaa waxaa markoo hore uu dhaawac daran kasoo gaaray weerarka uu kala kulmay Maroodiga, waxaana uu geeriyooday kadib markii isbitaalka la geeyay.

Dhacdada labaad ayaa laga soo tabiyay ismaamulka Narok, waxaana uu maroodigu halkaasi ku dilay wiil 14 jir ah oo la socday xoolo uu raacayay.

Halkaan ka Degso Warka Maroodiga

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.