Saturday, April 12, 2025
HomeAll NewsMasaari Kasoo Badbaaday Xabsiyada Kooxda RSF ee Suudaan. .

Masaari Kasoo Badbaaday Xabsiyada Kooxda RSF ee Suudaan. [Dhagayso Warbixin].

Muddo ku dhow laba sano, Camad Mucawad ayaa laga soo wareejiyay dhowr jeer xarun lagu hayay oo ku taallay Suudaan, isagoona loo wareejiyay xaruma kale, halkaas oo ay ku xireen Ciidamada Taageerada Degdegga ah isaga iyo tiro kale oo Masaari ah oo lagu eedeeyay basaasnimo, mar kasta, waxa uu Mucawad ka baqayay, in maalinta soo maraysa ay noqoto tii ​​ugu dambeeysay ee noolashiisa.

Ninkan oo ah ganacsade Masaari ah, da’diisuna tahay 44-jir ayaa sanado ku iibinayay qalabka guriga gudaha dalka Suudaan, ka hor inta aysan maleeshiyaadka Taageerada degdega ah soo weerarin bishii Juun 2023-kii, gurigiisa oo ku yaallay Khartoum, xiligaas oo ay xireen isaga iyo lix kale oo Masaari ah.

“Waxay nagu eedeeyeen inaan nahay basaasiin,” ayuu yiri Mucawad isagoo ku sugan gurigiisa oo ku yaalla Kafr Abu Shanab, oo ah tuulo dhacda gobolka Fayoum ee dalka Masar. Waxa uu dib u gocday sida ay askarta soo xirtay u baareen taleefankiisa iyo gurigiisa, isagoo yiri “Waxaan ahayn ganacsato, laakiinse qof kasta oo Masaari ah ayaa laga shakiyay.”

Inkastoo wax raad ah aan laga helin kooxdaasi, haddana in indhaha laga xiray ayaa lagu qaaday gaari xamuul ah, kaas oo lagu geeyay xabsi ku yaalla magaalada Khartoum.

Laba bilood kadib markii uu qarxay dagaalka Suudaan, boqollaal kun oo Suudaaniyiin  ah ayaa u qaxay xadka Masar si ay ammaan u helaan, laakinse Mucawad ayaa awoodi waayay in uu sidaas sameeyo, wuxuuna yiri “Ma safri karin sababtoo ah tirada alaabta aan haystay awgeed, taas oo ay suurta gal ahayd in la iga xado”.

Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee dagaal ba’an kula jira ciidanka Suudaan tan iyo bishii Abriil 2023-kii, ayaa Masar ku eedeeyay in ay faragelin ku hayso dagaalka ayna taageerto malatariga Suudaan, arinkaas oo ay beenisay Qaahira.

Dhisme jaamacadeed oo loo beddelay xabsi kuna yaalla xaafadda Riyaad ee caasimadda Suudaan, ayaa lagu xiray Mucawad iyo 8 qof oo kale oo Masaari, waxaana si gaar ah loogu xiray qol 3 mitir ah oo aan lahayn wax daaqado ah.

Mucawad waxa uu sharaxay, in qolalka kale ee xabsiga lagu haayay inta u dhaxaysa 20 illaa 50 maxbuus, oo ay ku jireen caruur da’doodu ahayd 6 jir iyo rag waayeello ah, kuwaas oo qaarkood ku jiray da’da Sagaashameeyada.

Axmed Casiis oo isna ah Ganacsade Masaari ah oo lala xiray Mucawad, ayaa sheegay, in raashinka la siinayay maxaabiista uu ahaa biyo kulul oo lagu qasay bur, kaas oo ahaa cajiin aan wax dhadhan ah lahayn.

Biyaha ayaa ahaa kuwa dhanaan ah oo laga soo daray ceel wasakhaysan, ama uu ka buuxsamay wasakh ka soo baxday wabiga Niil, taasoo keentay in cudurro ay ku dhex faafaan maxaabiista, qaar kamida maxaabiista ayaana  xaaladahaas qalafsan awgood ay naftu ka haaday, sida uu tilmaamay Axmed Casiis.

Halkan kala deg Warbixinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.