Saturday, July 19, 2025
HomeAll NewsMasar oo Dacwad la Xiriirta Biyo Xireenka An-Nahda ka Gudbineysa Itoobiya.

Masar oo Dacwad la Xiriirta Biyo Xireenka An-Nahda ka Gudbineysa Itoobiya.[DHAGEYSO]

Dowladda Masar ayaa dacwan la xiriirta Biyo-xireenka An-Nahda waxa ay ugudbineysaa madaxweynaha cusub ee Mareykanka.

Xukuumadda Al-Qaahira oo kaashaneysa Suudaan ayaa waxa ay billaabeen diyaarinta dacwad la xiriirta buuxinta ay Itoobiya ka wado biyo-xireenka An-Nahda, kaas oo ay iminka marineyso heer gabo gabo ah.

Wasaaradda waraabka ee Masar oo kaashaneysa tan Suudaan ayaa diyaariyay dacwaddaan, xilli ay kasii dareyso xiisadda labadaan dal kala dhaxeysa Itoobiya oo aan umuuqan mid xal laga gaarayo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in Madaxweynaha Masar Cabdil-fataax As-Siisi ay Donald Trump ay horay uga wada hadleen arrintaan, Trumna uu Siisi uballan qaaday in haddii uu kusoo baxo doorashada uu ka caawin doono arrimo badan oo mandiqadda ah.

Masar ayaa 5 sano kahor waxa ay sidaan oo kale dacwad aaan guuleysan waxa ay kaga gudbisay Itoobiya, balse Mareykanka ayaanan waxba ka qaban dacwadaas.

Halkaan ka Degso Warka Masar

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.