Xukuumadda Masar ayaa markale si adag uga hortimid damaca Itoobiya ee ku aaddan mashruuca biyo xireenka ee An-nahda. Wasiirka Kheyraadka iyo Waraabka Digtoor Haani oo ka hadlay arrintan ayaa, si toos ah u dhaliilay dhismaha biyo-xireenka isaga oo ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo khalkhal galinaya beeraha dalka .
Wasiirkan oo hadlkiisa lagusoo qaatay barnaamij laga siidaayay telefishanka MBC ee dalka Masar, ayaa si adag u weeraray hadalladii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abii Ahmed ee ahaa in mashruucu uusan waxyeello u geysanayn Masar iyo Suudaan. Wasiirka ayaa si cad u sheegay in Masar aysan aqbali doonin wax tallaabo ah oo halis galin karta amnigeeda biyaha. Wuxuuna ku baaqay in hadalka Abii loo beddelo heshiis sharci ah oo lagu ilaaliyo danaha dalalka wabiga Niilka ku tiirsan.
Wasiirka ayaa tilmaamay in Itoobiya ay jebisay heshiiskii lakala saxiixdy sannadkii 2015-ka, isagoo carrabka ku adkeeyay in xukumada Addis Ababa ay ku dhaqaaqday buuxinta iyo howlgelinta biyo-xireenk, iyada oo aan wax heshiis rasmi ah la gaarin labada dal ee kala ah: Masar iyo Suudaan.
“Biyo kasta oo la xannibo waa mid si toos ah uga jarmaysa saamiga biyaha ee Masar. Tani waa arrin si sharciyan ah iyo si bini’aadanimo toona aan loo aqbali karin,” ayuu yiri Digtoor Haani xiligii uu warysiga siinayay warbaahinta dalkaas.
Waxaa kale oo uu xusay in Masar ay si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqa Itoobiya iyada oo adeegsanaysa tiknoolajiyada casriga ah sida dayax-gacmeedyada iyo xogaha falanqaynta, si loo ogaado heerka biyaha iyo dhaqdhaqaaqa hawlaha biyo-xireenka.
In kasta oo Itoobiya dhawaan ku dhawaaqday in Biyo-xireenka An-nahda uu dhameystirmay islamarkaana si rasmi ah loo furi doono bisha Sebteembar, ayuu Wasiirku wuxuu sheegay, in warkaasi aanu xaqiiqo ku saleysneyn. “Kaliya 8 ka mid ah 13-ka matoor ee biyaha dhalin lahaa ayaa la dhisay, waxaana si aan joogto ahayn u shaqeynaya 5 ilaa 6 matoor,” ayuu wasiirku hadalkiisa kusoo afmeeray.
Hadalka Wasiirkan ayaa kusoo beegmaya xili Abii Axmed uu madaxda dalalka Masar iyo Suudaan ugu yeeray kasoo qayb galka daahfurka biyo-xireenka An-nahda, kaas oo lagu wado in la hawgaliyo bisha Sebtembar ee soo socota, sida ay sheegtay dawladda Itoobiya.