Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsMashruuc Loogu Magacdaray Xulka Xuffaadda Kana soo Qeyb Galeen 1,000 Ruux...

Mashruuc Loogu Magacdaray Xulka Xuffaadda Kana soo Qeyb Galeen 1,000 Ruux oo Lagu Qabtay Hargeysa.

Magaalada Hargeysa ee xarunta Wuqooyi galbeed Soomaaliya, waxaa lagu qabtay mashruuc loogu magacdaray Xulka Xuffaadda, kaasoo ay ka qeybgaleen inkabadan kun Ruux, oo isuga jira qeybaha kala duwan ee bulshad.a

Dadkan oo dhamaantooda xifdisan Quraanka Kariimka, ayaa fadhiya keliya ku khatimay Quraanka, iyagoo dusha sare ka akhrinaya.

Mashruucan ayaa waxaa soo abaabulay macallimiin iyo ducaad ku nool magaalada Hargeysa, waxaana cajiib ahayd iney ka qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada, sida ardeyda, hooyooyin, macallimiin, dhakhaatiir, Egineero iyo guud ahaan dad ka tarjumyaya bulshada oo dhan.

Mashruucan ayaa waxaa horey caan ugu ahaa Muslimiinta Qazza, kuwaasoo sanadkiiba mar sidan oo kale hal fadhi ku dhameeya Quraanka Kariimka, waxaana muuqata in wanaagaas looga dayanayo iyaga, hadana uu soo gaaray dalkeena Soomaaliya.

Halkaan ka Degso Warka Hargeysa

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.