Saacadihii lasoo dhaafay waxaa saldhigga Booliska Ng’iya ee ismaamulka Siaya ka dhacay dhacdo lama filaan ah taasoo oo uu askari katirsan ciidanka Kenya nafta ku dhaafiyay Laba alifle Chesise oo ahaa taliyihii haystay saldhigga.
Askariga dilka geystay ayaa taliyahan ugu tegay halka uu ka deganaaa saldhigga wuxuuna rasaas kaga furay xabadka iyo gacmaha.
Kadib dilka taliyihii saldhigga waxaa isna la toogtay askariga dilka geystay oo isku dayay inuu baxsado, waxaana dilay ciidankii saldhigga joogay.