Qarax maanta ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen xaafad katirsan magaalada Muqdisho ayaa lala beegsaday, masuul katirsan maamulka degmada Deyniile ugu magacaaban Dowladda Fedaraalka.
Qaraxa oo si gaar ah kaga dhacay xaafadda Daaru-Salaam ee magaalada Muqdisho ayaa lala beegsaday, guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada ee maamulka Degmada Deyniile ninka lagu magacaabo Jacfar.
Masuulka la beegsaday ayaa ka badbaaday qaraxa, balse waxaa ku dhaawacmay gudoomiye waaxeed katirsan xaafadda Daaru-Salaam, iyo 2 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka.