Abuukar Macallin Maxamuud oo ah Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu shaaca ka qaaday, in uu ka badbaaday isku day dil oo ka damacsanaa in nolosha lagu dhaafiyo.
Afhayeenka oo ku sugan degmada Raaga-ceelle ee gobalka Sh-dhexe, ayaa war qoraal ah kusoo daabay baraha uu Internetka ku leeyahay ayaa waxa uu ku sheegay, in uu ka badbaaday isku day oo qorsheysnaa oo la doonayay in isaga lagu khaarajiyo.
Qoraalka uu soo daabacay ayuusan ku xusin cidda qorsheysaneysay isku dayga dil ee uu ka badbaaday, isagoona ku goodiyay in maxkamadda uu ka dacweyn doono cid waliga oo ku lug yeelata qorsheynta dilkiisa.
Hadalka kasoo yeeray ninkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo muudooyinkii lasoo dhaafay ay askarta Dowladda Fedaraalka nafta dhaafiyeen saraakiil katirsan ciidanka, tan iyo wixii xilligaasi ka dambeeyayna, waxa uu walaac xooggan lasoo darsaday madaxda iyo saraakiisha Dowladda Fedaraalka.