Sunday, June 29, 2025
HomeAll NewsMas'uul Katirsanaa Maamulka la Baxay Jubbaland oo ku Geeriyooday Dalka Kenya.

Mas’uul Katirsanaa Maamulka la Baxay Jubbaland oo ku Geeriyooday Dalka Kenya.

Waxaa goordhow waxaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ku geeriyooday, mid kamid ah masuuliyiinta ugu sarreysa ee maamulka la baxay Jubbaland.

Madaxwayne ku xigeenkii 2aad ee Maamulka la baxay Jubaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (Luga Dheere) ayaa la xaqiijiyay inuu shalay ku dhintay, magaalada Nairobi oo ah caasimadda Kenya.

Geerida masuulkaan ayaa lasoo warinayaa iney timid kadib markii maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanayay magaaladaas, waxaana ugu dambeyn uu geeriyooday galabta.

Ninkaan ayaa waxa uu xilka madaxwayne ku xigeenka labaad ee maamulka la baxay Jubbaland hayay muddo ka badan 10 sano.

Masuuliyiin katirsan maamulka la baxay Jubbaland ayaa xaqiijiyay geerida madaxweyne ku xigeenkii labaad ee maamulkaas, walow aan illaa iyo hadda xog rasmi ah laga heynin nuuca xanuunka uu udhintay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.