Allaah waxa uu Insaanka ubandhigay Amaanada, kadib markii uu horay ugu bandhigay samaawaadka iyo dhulka, kuwaas oo iska diiday iney qaadaan, sidaasi darteed waxaa lama huraan ah inaan ogaanno in mafhuumka Amaanada ee Islaamka dhexdiisa uu yahay mid ballaaran, oo soo galaya dhammaan hadalka iyo ficilka addoonka, sidaba looga abaal marinayo acmaasha uu qabanayo, ayaana looga xisaabinayaa hadallada Amaanada looga dhigay.
Sidaasi darteed, hadalka waa amaano iyo masuuliyad, waana in aad dhahdo un kalimad run ah oo wax tarta, kolkaas oo aad ajar ku hesho, ama aad tiraahdo mid xun oo ku baaqeysa baadil shar iyo fasaad, taas oo ah midda laguugu xisaabinayo.
Hadalku, waa mid kamid ah nimcooyinka ugu waaweyn ee uu Allaah ku maneystay bani’aadamka iyo makhluuqaadkiisa kalaba, waxa uuna qolo waliba u yeelay luqado kala duwan, xittaa xayawaanaadka ayaanan isku luqad aheyn oo midba waxa uu leeyahay luqad ugaar ah oo ay isku fahmaan.
Maadaama ay kalimaddu tahay mid sidaas u weyn, oo qofka u horseedi karta inuu janno ku galo ama uu naarta ugu hoobto, waxaa waajib ah in qofka uu ka fiirsado waxa uu oronayo, kana fogaado wax wax waliba oo dhibaato ukeeni kara adduunkiisa iyo aakhiradiisa.
Dayacaadda masuuliyadda hadalka waxaa ka dhalanaya fasaad, waxaana shaki la’aan ah in taasi ay qofka usoo jiideyso iney diinta ka fitnowdo, qofkii aan arrinkaas weeleen oo aan si dhaw ula soconna, waa mid ka fog aragtida wanaagsan, maciyada Allaah iyo hanuunkiisa.
Muhiimadda uu hadalku leeyahay awgeed, waxa ay diintu boorisay in dadka lagula hadlo wax ay fahmi karaan oo hadba la jaan qaadaya cuquushahooda, si aysan udhicin iney dadku fitnoobaan oo ay haadaan ka dhacaan.
Samanka aan maanta nool nahay waa mid la dayacay masuuliyadda hadalka, oo badi dadka ayaa noqday kuwa aan xil iska saarin waxa ay dhahayaaan, taas oo keentay dhibaatooyin badan oo dadka la dagay, waxaana kamid ah:
In dadka aan culimada aheyn ee caamada ah soo saaraan fataawi ay wax ku kala jaangooyaan, iyagoo aan cilmeeda laheyn, islamarkaana ay iska dhex dabaashaan wixi ay naftooda ka hesho hawadoodana raacaan, taas oo fahamka qaldan ee ay bixiyeen uu sabab unoqdo iney dhibaato timaado, iyagoo ka baxay xaqqa iyo cadaaladda, waana waqti ay yaraadeen culimadii rabbaaniyiinta ahaa.
In qofku uu isaga dhawaaqo hadallo aan xikmad ku saleysneen oo aan dhameystirneyn, hadallada aan ka fiirsiga loo dhihin ayaana saameyn ku yeesha qof waliba, taas oo kugu keeni karta inaad dulmi ku dhacdo oo markaa aad khasaarto towfiiqda iyo hanuunkana aad weyso.
Inta badan waxa ay masuuliyadda hadalka ku burburtaa marka uu qofka naftiisa difaacayo, si uu yoolkiisa ugaarana uu udhaho wax waliba oo uu uxaqiijin kara hadafkiisa isagoo aan ka fiirsan dhibaatada ka dhalan karta, taas ayaana qofka ukeeneysa inuu baadiyoobo hawadiisana raaco, iyadoo ay xittaa dhici karto inuu diinta ugafo.
Waxyaabaha maanta la dagay umadda Muslimka ah iyo si guud shucuubta caalamka waa waxa loogu yeero barahaa bulshada, halkaas oo noqotay goob furan oo uu qofku wuxuu doono ka sheegi karo, isagoo aan ufiirsaneyn waxa ka ratibmi kara hadalka uu dhahayo.
Barahaasi ayaa waxay ay sabab unoqdeen in hadalka beenta ah uu si fudud ku baaho, kumana sii jirto xilligaan oo ay beentu noqotay badeeco ay nolshooda ku maareeyaan malaayiin ruux, iyagoo aan ka fakareyn dhibaatada ay beentu leedahay.
Hadalku waa middi 2 af leh, sidaasi darteed marka haddii uu qofku hadlayo waxaa haboon in uu yiraahdo kalimad wanaaagsan, taas oo uu ku kasbanayo ajar weyn, iyo abaal marinta Alle xagiisa ahaatay, kana fogaaanaya in kalimaddaas darteed ciqaab usoo jiido oo ku muteysto inuu ku naar galo.
Dagaalka maanta dunida ka jiro waxa uu intiisa badan isugu soo uruuray hadal, haddii uu ahaan lahaa mid la akhristo, mid la dhageysto, iyo kan la daawado intababa, waxaana ay warbaahintu noqotay mid ay muhiimad gaar ah siiyaan dhammaan dadyowga ku nool caalamka, si ay umeel mariyaan danahooda.
Sidaasi darteed waxaa dadka Ahlu Xaqqa ah ku waajib ah marka ay ahlu baadilka isugu tagaaan sidii ay afkooda ugu dumin lahaayeen nuurka Allaah, iney udhaqaaqaan sidii ay uga hortagi lahaayeen arrintaas.
Kalimadda runta ah waa seefta uu ku Jihaadayo qofka Muslimka ah, iyadu ayay xujada ku istaaagtaa, waana midda lagu radciyo baadilka oo isagoo jabay dib ulaabta, waana isla iyada mida quluubta lagu kasbado kuwa caqliga usaaxiibka ahna ay wax ku fahmaan.
Kalimad uusan qofku ka fiirsi udhihin ayaa sababi karta iney jahannamo ku rido, sidaasi darteed waxaa lagamaa maarmaan ah in qifka Muslimka ah uu ku dadaalo inuu iska hubiyo hadalka uu dhahayo, islamarkaana ka taxadaro wixii dhibaato ah ee ka imaan kara.
In qofku uu iska dhex dabaasho hadalka aan wanaagsaneyn waxaa keenaya inuu shaqo ka dhigto maala yacniga, islamarkaana uu hadallada kala naqliyo, taas oo ukeeni karta dhibaato xooggan, waxa uuna intaas kaga gaashaaman karaa inuu daacada Alle ku dadaalo, kalimadda afkiisa kasoo baxeysana la socdo.