Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsMasuuliyiin Katirsan Dowladda Fedaraalka oo Tagay Balcad si ay Niyada Ugu Dhisaan...

Masuuliyiin Katirsan Dowladda Fedaraalka oo Tagay Balcad si ay Niyada Ugu Dhisaan Ciidankooda.

Masuuliyiin katirsan Mamaulka gobolka Banaadir ee Dowladda Federaalka oo ay ku jiraan taliyaal ciidan ayaa booqasho ku tagay magaalada Balcad, oo dhawaan marti gelisay weerar culus oo cagmarin ah, kaasoo ay magaalada kula wareegeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Madaxda ka socotay maamulka gobolka Banaadir ee Dowladda Federaalka ayaa sheegay iney booqashadooda timid, si ay u beeniyaan guuxa dadweynaha ee tilmaamayay in magaalada Balcad ay gacanta ku heyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, dhawaanna ay saacado maamuleysay.

Masuuliyiintan ayaa sheegay in amniga magaalada Balcad uu qeyb ka yahay amniga caasimadda ee Muqdisho, waxaana muuqatay iney aad u dhibsadeen wararka ay baraha bulshada ku qorayeen dadka Soomaalida ah, ee falanqeynayay la wareegitaankii ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee magaalada Balcad.

Maxamed Axmed Yabooh, oo ah gudoomiye kuxigeenka maamulka gobolka Banaadir ee Dowladda Federaalka oo warbaahinta kula hadlay Balcad, ayaa sheegay inaanu waxba ka jirin warka tilmaamaya in magaalada Balcad ay la wareegeen dhawaan ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Qaasim Cali Nuur oo ah gudoomiyaha magaalada Balcad, ayaa dhankiisa sheegay iney ku faraxsanyihiin saraakiisha booqashada ugu timid, wuxuuna muujiyay in xaalad amni ay ka jirto magaalada, isagoo tilmaamay iney waxyar kahor ka yimaadeen roondo ay ku sameynayaan magaalada iyo duleedkeeda.

Dowladda Federaalka ayaa aad u dhibsatay la wareegitaankii dhawaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la wareegeen magaalada Balcad, taasoo dhalisay hadal heyn xoogan oo dhanka warbaahinta ah, iyadoo dadka faalleynayay dhacdadaas oo ay ku jiraan masuuliyiin iyo siyaasiyiin katirsan Dowladda Federaalka ay sheegeen, in Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab lasoo baxday dardar horleh, maalmaha soo socdana la filan karo dhacdooyin waaweyn.

Halkaan ka Degso Warka Masuuliyiinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.