Dawladda Yukrayn ayaa ogolaatay soo jeedintii Mareykanka ee ahayd xabad-joojinta 30-ka maalmood, taas oo ahayd heshiis lagu hakinayo dagaalka oo ay la galaan dawladda Ruushka, arrintan ayaa timid kaddib maalmo ay wadahadalo adag ka socdeen boqortooyada Sacuudiga. Ku dhawaaqistan ayaa soo jiidatay indhaha caalamka ayadoo laga warsugayay jawaabta ay Moscow ka bixindoonto heshiiskan.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay, in markan ay xaajadu ku jirto gacanta Ruushka, ayagana laga sugayo go’aanada masiiriga ah ee xabad-joojintan.
Maalmo kaddib soo jeedintaas waxaa hadlay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo si taxadar leh u muujiyay taageerada fikradda ah in xabbad joojin ku meel gaar ah lagusoo dabaalo dagaalka uu kula jiro Yukrayn, laakiin wuxuu soo jeediyay dhowr su’aalood oo uu aaminsan yahay inay dammaanad qaadayaan wadahadal lala yeesho Mareykanka.
Putin waxa uu ku nuuxnuuxsaday, in xabad joojintan ay tahay inay horseeddo nabad waarta, isla markaana wuxuu tilmaamay jabinta heshiiskan inuu horseedi karo dagaal sii daba dheeraada. In kasta oo heshiis xabbad-joojin ah uu u muuqdo mid suurtagal ah xilligan, haddana caqabado badan ayaa weli ku teedsan in la gaaro nabad waarta.
Wadahadallo ka qabsoomay gudaha Sacuudiga ayaa ka caawiyay Yukrayn inay qaboojiso xiisadda kala dhaxaysa Maraykanka, taas oo markii ugu horreysay toddobaadyo gudahooda ka dalbatay Ruushka qodobo la taaban karo oo la xiriira sidii loo gaari nabad waarta.
Wadahadalkan ayaa dhacay Laba toddobaad kaddib kulan dhex maray madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Yukrayn, Volodymyr Zelensky, inkasta oo ay Kyiv haatan u muuqato inay dib u bilaabayso wadahadalo ay la yeelanayso Washington.
Heshiiska Yukrayn ee xabbad joojinta 30-ka maalmood ah ayaa albaabada u furay inuu dib u soo laabto qulqulka hubka Mareykanka, iyo sidoo kale dib u soo celinta iskaashiga sirdoonka ee Kyiv iyo Washington.
Yukrayn ayaa sidoo kale muujisay, qanacsanaanteeda ku aadan heshiis xabad-joojin oo lawada gallo, iyada oo tallaabadaasi ay bedeshay hadal-hayntii ahayd in Kyiv aysan diyaar u ahayn joojinta dagaalka. Eedeymahan ayay marar badan ka dhawaajiyeen madaxda aqalka Kremlin-ka, ayadoo mas’uuliyiinta Aqalka Cadna ay soo saareen eedaymo kuwaas lamid ah.