Saturday, June 21, 2025
HomeAll NewsMaxaa Dhici Kara Haddii uu Mareykanku si Toos ah Ugu Soo Biirto...

Maxaa Dhici Kara Haddii uu Mareykanku si Toos ah Ugu Soo Biirto Dagaalka Yahuudda iyo Iiraan?[WARBIXIN]

Dunida ayaa wajahaysa xaalad cakiran, kaddib hadallo uu jeediyay madaxweynaha Mareykanka Doonal Taraam, kuwaas oo muujinaya suurtagalnimada inuu qaato go’aankii ugu halista badnaa siyaasadiisa, taas oo ah in barnaamijka Nukliyeerka Iiraan lagu burburiyo qaab milatari, arrintan oo daba socota duulaankii ay ciidamada Yahuuddu bilaabeen 13-kii bishan Juun.

Iyada oo khatar colaadeed oo weyn laga dareemayo gobolka, Iiraan ayaa dhankeeda si cad u diiday in ay aqbasho wax cadaadis ama faragelin dibadeed ah, waxaana fariintaasi si xooggan u muujiyay hogaamiyaha sare ee Iiraan, Aayatullaah Cali Khumayni oo ku adkaystay in ciidanka iyo shacabka Iiraan ay diyaar u yihiin inay dalkooda difaacaan, isaga oo si kulul uga digay in weerar kasta oo Maraykanku qaado uu horseedi karo cawaaqib halis ah oo aan dib loo sixi karin.

Marka la eego xaaladda kacsan ee lagu kala aragti duwan yahay qiimeynteeda ayaa falanqeeyayaal la hadlay warbaahinta waxay tilmaamayaan, in khilaafkan uu leeyahay saameyn ballaaran oo gaareysa qaab-dhismeedka nidaam ee gobolka, isla markaana beddeli karta khariidadda siyaasadeed ee Bariga Dhexe, iyada oo wax lagu dhisanayo xeeladaha dhagaraysan ee ay labada dhinac isku maleegayaan, taas oo dhalin karta xaalad cusub oo isudheellitirka awoodda ah, waxayna ka digeen in khalad kasta oo siyaasadeed oo ka dhaca gobolka uu marxalad dagaal ka abuuri karo, kaas oo aan la saadaalin karin.

Hadallada saraakiisha Maraykanka ayaa muujinaya in Waashintoon ay qaadayso tallaabooyin ciidan oo degdeg ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin rarista iyo diyaarinta ciidamada militari ee ku wajahan gobolka Bariga Dhexe, iyada oo halkaas la geeyay diyaarado dagaal oo casri ah sida F-16, F-22 iyo F-35 iyo sidoo kale diyaaradaha B-52 oo xambaara Bambooyin culus, kuwaas oo haatan ku sugan saldhigga Diyeegho Ghaarsiyaa ee ku yaalla badweynta Hindiya.

Mareykanka ayaa sidoo kale ka fiirsanaya xulashooyin kale oo milatari, kuwaas oo ay ka mid tahay weerar ballaaran oo lagu beegsanayo xarumaha Nukliyeerka Iiraan, iyadoo bartilmaameed gaar ah laga dhiganayo xarunta sida wayn loo ilaaliyo ee “Fordo” oo ku dhex taalla buuralayda adag ee dalka Iiraan.

Falanqeeyaha siyaasadeed ee Usaama Abuu Arshiid oo fadhigiisu yahay magaalada Waashintoon, ayaa waraysi uu siiyay warbaahinta ku yiri, “Haddii Mareykanku uu si toos ah ugu lug yeesho dagaal ka dhan ah Iiraan, waxay si buuxda u beddeli doontaa awoodaha gobolka, maadaama awoodda cirka iyo badda ee Maraykanka ay si aad ah uga sarreyso tan Yahuudda, iyada oo Mareykanku uu haysto bambaanooyin awood u leh inay si buuxda u burburiyaan xarumaha Nukliyeerka ee sida wayn loo ilaaliyo”.

Maamulka Yahuuddu wuxuu marar badan shaaciyay, in uu awood u leeyahay ka takhalusida barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan, hase yeeshee wuxuu haatan qirtay in uusan haysan awood milatari oo u suuragelin karta inuu si buuxda u burburiyo xarumaha dhulka hoostiisa ku yaalla, haddii aysan helin taageero toos ah oo ka timaadda Mareykanka.

Halkaan ka Degso Warbixinta Mareykanka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.