Waxaa maalinkii 03aad oo xiriir ah galay dagaalka u dhaxeeya maamulka Yahuudda iyo xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan, kaas oo marba marka ka dambeysa yeelanaya waji cusub.
Duqeymo culus ayay markale is dhaafsadeen labada dhinac, waxaana xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ay si adag uburburisay magaalada Tel-Aviv ee ay caasimadda ka dhigteen Sahaayinada.