Wasiirka Gaashandhiga ee Dowladda Uganda Jeneraal Muhoozi Kainerugaba ayaa ku baaqay, in gabi ahaanba ciidankooda laga saaro dalka Soomaaaliya, lana soo afjaro duullaanka Shisheeye ee ay xukuumadda Kampala ka wado dalkaan.
War qoraal ah oo uu kusoo daabacay baraha uu internetka ku leeyahay ayuu wasiirku ka codsaday aabihiis sidoo kalana ah baadariga maamulka dalkaas ee Yoweri Museveni, in uu utix-galiyo codsigiisa, islamarkaana uu ciidanka Uganda kasoo saaro Soomaaliya kuwaas oo ku dhawaad 20 sano duullaan ku joogo dalkaan dhaca bariga Afrika.
Haddaba Injineer Idiris Xasan Faarax oo ku sugan dalka dibaddiisa ayaan ka wareysanay, waxa xilligaan kusoo beegay in Uganda ay ku dhawaaqdo iney ciidankeeda kala baxeyso Soomaaliya.