Waxaa maanta markale baaqday shirkii madasha wadatashiga ee uu horay u iclaamiyay Xasan Sheekh oo ah Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka, qaar kamid ah hogaamiyayaashii maamul gobaleedyada ee horraan imaan jiray ayaana ka cago jiidaya iney ka qeyb galaan shirkaas.
Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka ayaa waxaa heysta xaalad adag, ka gadaal markii uu cadaadis xooggan kaga yimid waxa loogu yeero Beesha Caalamka oo lagu tilmaamo iney yihiin milkiilayaasha Dowladda Fedaraalka.