Tuesday, April 15, 2025
HomeAll NewsMaxaa Sababy in Caleenta Shaaha ee Kenya ay Si Wadajir ah Khasaare...

Maxaa Sababy in Caleenta Shaaha ee Kenya ay Si Wadajir ah Khasaare ugu Geysato Suudaan & Kenya?

Madaxweynaha Kenya Williyam Ruto ayaa la kulmay cadaadis gudaha ah oo ka dhashay xayiraadda ay dowladda Suudaan ku mamnuucday caleenta Shaaha ee Kenya laga keeno, arrintaas ayaa Ruto ku kicisay mucaaradad daran oo dhanka siyaasada gudaha ah, mana jirto wax kale oo uu ku faani karo Ruto oo aan ka ahayn in dalkiisa uu weli yahay isha ugu weyn ee laga helo caleenta Shaaha ee laga isticmaalo Suudaan, taas oo hada soo xirantay.

Waxaana dhaq-dhaqaaqayada ka jira Suuqyada Suudaan ay xukumada dalkaas ku khasbeen,  sii wadida soo dejinta caleenta Shaaha ee Kenya oo ay jecel yihiin dadkaas, kaas oo dhadhan gaar ah u leh reer Suudaan, isla markaana si joogto ah uga dhex muuqda nolol maalmeedka dalkaas.

Ruto ayaa la kulmaya cadaadis isa soo taraya, kaddib markii Khartoum ay beenisay hadalkiisii ​​ku saabsanaa soo celinta caleenta Shaaha Kenya ee Suudaan. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay warbaahinta gudaha inuu been cad ka sheegay, iyadoo wargeyska The Standard ee Kenya uu ku tilmaamay Ruto inuu yahay madaxweyne been abuur badan.

Colaadda siyaasadeed ayaa qeyb weyn ka ah qalalaasaha Suudaan muddo sanado ah, dhibaatada ka jirta dalkaas ayaa keentay in dadka reer Suudaan ay la qabsadaan isticmaalka Shaaha gaar ahaan midka laga keeno dalka Kenya, in kastoo Shaahu uu dalkaas ka noqday mid kamida daawooyinka lagu sanceeyo madax-xanuunka.

Nairobi ayaan dhexdhexaad ka noqonin dagaalka ka socda Suudaan  ku dhawaad ​​saddex sano, kaas oo u dhaxeeyay ciidamada Suudaan iyo xoogagga Taageerada degdega ah. Xukumada uu Hogaamiyo Al-Burhaan ayaana in badan ku eedeysay Kenya inay taageerto oo ay gabaad siiso madaxda RSF.

Halkaan ka Degso Warbixinta Kenya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.