Friday, May 9, 2025
HomeAll NewsMaxaan ka Ognahay Halista ay Sharikadaha Shiinaha ku Hayaan Wax soo Saarka...

Maxaan ka Ognahay Halista ay Sharikadaha Shiinaha ku Hayaan Wax soo Saarka Masar?[WARBIXIN]

Masar ayaa noqotay meel muhiim u ah maalgashiga Shiinaha, iyadoo tirada shirkadaha ka shaqeeya dalkaas ay gaarayaan illaa 300 oo shirkadood tan iyo bilowgii sanadkan 2025-ka. Maalgashiga Shiinaha ee Masar ayaa la filayaa inuu gaaro 3 Billyan oo Doollar bilaha soo socda, tiradaas oo laga yaabo inay sara u kacdo, iyadoo wufuud ganacsi oo ka socda dhanka Shiinaha ay ku sii qulqulayaan dalka Masar.

Kororka maalgashiga Shiinaha ee Masar ayaa ku soo beegmaya, iyadoo uu socdo dagaalka ganacsi ee u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha, taas oo uu madaxweynaha Maraykanku uu ku soo rogay canshuur dhan boqolkiiba 145 badeecadaha Shiinaha. Tani waxay Biijiin ku kaliftay inay raadiso xal, si ay uga hortagto canshuuraha Mareykanka ee hada khatarta ku ah shirkadaheeda.

Qulqulka maalgashiga Shiinaha ee Masar ayaa saameyn xun ku yeeshay dhaqaalaha Masar. Ilo-wareedyo hoose oo u waramay warbaahino caalami ah ayaa ku waramaya, in maal-gashiga Shiinaha ee Masar ay waxyeelo u gaysteen qaar ka mid ah warshadaha maxalliga ah ee Masar, gaar ahaan wax soo saarka alaabta guryaha ee lagu farsameeyo warshadaha dalkaas.

Xubin ka tirsan golaha ganacsiga ee Masar iyo Shiinaha ayaa shaaca ka qaaday, in ku dhawaad ​​​​30 shirkadood oo cusub oo Shiinees ah ay muujiyeen xiisaha ay u qabaan inay ku fidaan suuqyada Masar sanadkan 2025-ka. Arrintan ayaa soo ifbaxday kaddib booqashooyinka degdega ah ee wufuudda shirkadaha Shiinaha ay ku tageen magaalada Qaahira, si ay u idhaidheeyaan baahiyaha ka jira suuqyada Masar.

Maalmo ka hor, safiirka Shiinaha u fadhiya dalka Masar, ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu uu ka mid yahay maalgashadayaasha ugu firfircoon uguna saamaynta badan Masar. Waxa uu xusay in maalgashiga tooska ah ee Shiinaha ee Masar uu gaaray illaa 9 Billyan oo Doollar dhammaadka sanadkii tagay ee 2024-kii, waxaana dalkaas ka shaqo bilaabay in ka badan 2 kun oo shirkadood oo ka shaqeeya qaybo badan oo kamid ah wax soo-saarka Masar.

Ilo rasmi ah oo ka tirsan maamulka horumarinta warshadaha Masar ayaa daaha ka qaaday, in inka badan 300 oo shirkadood oo Shiinees ah ay bilaabeen inay maal-gashi ka sameeyaan Masar bilowga sanadkan 2025-ka, waxaana la filayaa bilaha soo socda inay badato tirsadan, taas oo dakhliga maaliyadeed ee kasoo xarooda lagu qiyaasay inuu gaarayo illaa 3 Billyan oo Doollar.

Wakaalada wararka ee Carabi-Boost oo soo xiganaysa ilo xog ogaal ah ayaa sharaxday, in dadaalada ay wadaan shirkadaha Shiinaha ee ka hawlgala Masar ay aad u danaynayaan shaqaalaha Masar ee dhaqaale ahaan aad u jaban, dhanka kalana aqoonta u leh farsamada casriga ah ee warshadaha, taas oo maalgashadayaasha ku riixaysa inay mudnaanta koowaad siiyaan suuqa Masar.

Xisaam Haybah, oo ah madaxa waaxda maalgashiga ee dawladda Masar ayaa sheegay, in hormarka dhanka tignoolajiyada iyo taageeridda fikradaha hal-abuurka ahi ay tahay mid kamid ah yoolalka ugu muhiimsan ee ay arrintan ka leedahay Masar,  inkastoo dhanka kale maamulka Qaahira uu dakhligii dalka uu u gacan galiyay shirkado shisheeye, iyada oo laba shirkadood oo laga leeyahay Shiinaha uu ku wareejiyay goobo cayiman oo laga qodo dahabka, kuwaas oo dakhli xooggan kasoo uu kasoo baxo.

Halkaan ka Degso Warbixinta Masar

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.