Monday, June 16, 2025
HomeAll NewsMaxaan ka Ognahay Heerka Kala Qeybsanaanta ka Dhex Jirta Hey'daha Dalka Yeman.

Maxaan ka Ognahay Heerka Kala Qeybsanaanta ka Dhex Jirta Hey’daha Dalka Yeman.[WARBIXIN]

Magaalada Cadan ee koonfurta Yaman, oo ah caasimadda ku meel gaarka ah ee dowladda, ayaa martigelisay kulankii ugu horreeyay ee ay isugu timaado xukuumada cusub ee Yaman, tan iyo markii la magacaabay raysalwasaare cusub. Kulan-kan oo dhacay 3-dii bishan Juun ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay, iyadoo uu hoggaaminayay raysal wasaaraha cusub ee Saalim Saalax Bin Bariik, oo horay u ahaa wasiirka maaliyadda ee dalka.

Bil kahor, raysal  wasaarihii hore ee Yaman, Axmed Cawad Bin Mubaarak, ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay xilkii uu yahay madaxda sare ee dalka, isagoo u gudbiyay iscasilaadiisa madaxweynaha Golaha Madaxtooyada, Rashaad Al-Caliimi. Isla maalintaas, Al-Caliimi ayaa si degdeg ah ugu magacaabay Saalim Saalax Bin Bariik — oo ahaa wasiirka maaliyadda — inuu noqdo raysal wasaaraha cusub ee Yaman. Inkasta oo hoggaanka sare la beddelay, haddana xubnihii hore ee golaha wasiirrada ayaa lagu amray inay sii wataan hawlahooda caadiga ah, si looga fogaado firaaq siyaasadeed iyo jahawareer yimaada xilli uu dalku wajahayo caqabado halis ah.

Axmed Bin Mubaarak ayaa xilka raysalwasaarenimo loo magacaabay billowgii bishii Febraayo sanadkii 2024-ka, isagoo ku yimid hab la mid ah kan lagu keenay beddelkiisa, taas oo ahayd in lagu wareejiyay hoggaan dowladeed oo uu horey u dhisay Maciin Cabdulmalik  oo isagu raysal wasaare ahaa tan iyo bishii Oktoobar sanadkii 2018-kii.

Khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Yaman, Rashaad Al-Caliimi iyo Raysalwasaarihii hore Axmed Bin Mubaarak ayaa keenay in uu masuulkaas ku dhawaaqo iscasilaadiisa, kaddib markii Al-Caliimi uu si cad u diiday codsi rasmi ah oo uu Bin Mubaarak u gudbiyay oo ku saabsanaa in la sameeyo isbeddello dhanka wasiirada ah.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, Yaman waxay gashay marxalad adag oo ay ku dheehnaayeen isbeddello siyaasadeed iyo kuwo hay’ado dowladeed ah oo salka u riday jiritaanka iyo midnimada dalka, taas oo keentay in dhibaatooyin bani’aadantinimo iyo kuwo dhaqaale ay si daran u saameeyaan dadka iyo duunyada.

Yaman ayaa wajahaysa kala qaybsanaan baahsan oo si qoto dheer u saameysay hay’adaha dowladda, taas oo ka dhalatay awoodaha ka kala taliya gobolada kala duwan ee dalkaas.  Dhanka koonfureed oo ay xarun u tahay magaalada Cadan ayaa waxaa gacanta ku haya dowladda, halka waqooyiga oo ay ugu horayso magaalada Sanca ay si buuxda u maamulaan kooxda Xuutiyiinta.

Bishii Maarso ee sanadkii 2015-ka, madaxweynihii hore ee Yaman, Cabdi Rabi Mansuur Haadi, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in magaalada Cadan ay noqonayso caasimad ku meel gaar ah, kaddib markii kooxda Xuutiyiinta ay si buuxda ula wareegeen caasimadda Sanca, iyagoo taageero siyaasadeed iyo mid milatari ka helaya madaxwaynihii hore ee Yaman Cali Cabdalla Saalax.

Halkaan ka Degso Warbixinta Yeman

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.