17-ka Bishii Ramadaan ee sanadkii 1439-ka oo laga jooga muddo siddeed sano waxaa degmada Moqokori ee bariga wilaayada Hiiraan ka dhacay weerar cagmarin ah, oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab cagta ku mariyeen fariisamo ay ciidamada dowladda Fadaraalka ku la haayeen degmada Moqokori, iyagoo markii danbana si buuxda ula wareegay guud ahaan degmadaas.
Mu’assada Al-kataa’ib garab warbaahineed ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xiligaas kasoo saartay filim soconaya ku dhawaad 20 daqiiqo, kaas oo qayb ka ahaa taxanihii la magacbaxay Waqludh Calayhim, gaar ahaan xalqadiisii 7-aad.
Filimkaas Al-kataa’ib ayaana xiligaas si waafi ah lagu soo bandhigay guuldarradi ku habsatay ciidamada dowladda Fadaraal, kuwaas oo maydadkooda ay bilqanayeen goobta la isku fara-saaray.