Tuesday, June 24, 2025
HomeAll NewsMaxaan Kala Soconnaa Xasuuqii Ruwanda ee Lagu Dilay Hal Miyan oo Ruux?

Maxaan Kala Soconnaa Xasuuqii Ruwanda ee Lagu Dilay Hal Miyan oo Ruux?[WARBIXIN]

Magaalada Kigaali ee caasimadda Ruwaanda, ayaa wali xambaarsan xusuusta gabood fallo ka dhacay dalkaas. Waddooyinka ay dadku maanta ku socdaan si caadiga ah, ayaa sanado kahor ahayd halkii uu ku daadatay dhiigii ugu badnaa taariikhda Afrika muda kooban. Waxaa goob kasta oo magaaladan ka tirsan daadsanaa meydadka dad aan waxba galabsan.

Wariye ka tirsan shabakada Al-Jaziira oo warbixintan kasoo diyaariyay xasuuqii ka dhacay Ruwaanda ayaa yiri “Waxa aan dib u baaray buuggaagta taariikhda, kuwaas oo aan ka helay meelaha qaar ee ay Xasuuqyada ugu xun ka dhaceen. Waa dhul aan weli ka bixin hooska seeftii iyo warankii loo adeegsaday gabood faladaas, meel lagu xasuusto masiibo taagnayd mudo kooban, balse galaafatay nolosha hal Milyan oo qof”.

Intii lagu guda jiray 100-kii maalmood ee Xasuuqa, waxaa la dilay ku dhowaad hal milyan oo qof. Waxaana si gaar ah loogu bartilmaameedsaday qowmiyadda Tutsiga. Idaacadaha iyo warbaahinta dowladda ayaa door weyn ka qaatay kicinta nacaybka iyo abaabulka dilalka, iyagoo shacabka ku dhiirrigelinayey xasuuqa.

Qiyaastii boqolkiiba 75% dadka Tutsi-ga ah ayaa lagu dilay xasuuqaas, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah xasuuqyadii ugu weynaa ee qarnigii 20-aad. Tutsiga oo abaabulan ayaa isku dubbariday jabhaddii wadaniga ee Ruwaanda oo loosoo gaabin jiray RPF oo uu hogaaminayey nin lagu magacaabo Bool Kagaami, waxayna ugu dambayn la wareegeen talada dalka.

Xasuuqii Ruwaanda ma ahayn mid si lama filaan ah u qarxay sanadkii 1994-tii, balse wuxuu salka ku hayay siyaasado taariikhi ah oo ay dajiyeen isticmaarkii dalkan gumaysan jiray qarnigii 19-aad dhammaadkiisii, gaar ahaan markii la qabtay Shirkii Baarliin, kaas oo dhacay sanadkii 1884-tii. Taariikhyahannada iyo dadka badankood ee Ruwaanda ayaa rumeysan in gumeysigu uu lahaa dawrka ugu weyn ee xasuuqan, kaas oo sameeyay siyaasado uu ku kala qaybiyay,  qabaa’ilka ku nool dalka, iyada oo qayb kamida uu gacanta u galiyay awooda dalka, taas oo salka u dhigtay nacayb, kalsooni-darro iyo caddaalad la’aan ku baahday dalka oo dhan.

Qoraa iyo taariikhyahan Ruwaandees ah oo 12 xubnood oo ka tirsan qoyskiisa ku waayay xasuuqa, ayaa yiri: “Annagu horay waxaan u ahayn dad mideysan, balse gumeysigu wuxuu naga dhigay kuwo la kala sooco oo is neceb.” Xasuuqan ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ahaa warbaahinta dalka Ruwaanda. Warbixin ay baahisay Al-Jaziira Net ayaa iftiimisay kaalinta halis ah ee warbaahinta Ruwandayska gaar ahaan raadiyayaasha iyo wargeysyada maxalliga ah ay ka ciyaareen kicinta xasuuqii ka dhacay dalkaasi.

Sanadkii 1986-dii, marki uu Yuweeri Musafani noqday madaxweynaha Yugaandha, wuxuu Bool Kagaami u magacaabay madaxa sirdoonka milatariga ee dalkaas. Magacaabistaas kaddib, Kagaami wuxuu u jihaystii dalkiisa Ruwaanda, wuxuuna bilaabay qorshe uu ku doonayay inuu dib ugu laabto, si uu u badbaadiyo shacabka Tutsiga ah ee ay colaaddu saameysay.

Halkaan ka Degso Warbixinta Xasuuqii Ruwanda

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.