Si kasta oo uu Faransiisku waqtigaan casriga ah isugu soo bandhigo adduunka inuu yahay waddan hor-marsan oo ilaalinayo xorriyadda, haddana marka laga eego dhinaca bani’aadantinimada waxa uu weli yahay gumaystihii taariikhda ugu xumaa ee ku xadgudba xuquudda Aadanaha, gaar ahaan waqtigii uu gumaysanayay dalka Al-jeeriya, halkaas oo uu ka geystay jaraa’im aan la qiyaasi karin oo uu kula kacay dadka Al-Jeeriyiinta iyo hantidooda.
Faransiiska waxa uu sii ahaan doona mid aan ka go’in xusuusta iyo maanka dadka Aljeeriya, maadaama gumaystaha Faransiiska uu dhac, boob iyo bililaqo u keystay, wax kasta oo ay shacabkaasi lahaayeen, iyadoo shacabka Al-Jeeriya uu wali maankooda ka go’in sawirradii foosha xumaa ee uu gumaystahan ku reebay maskaxdooda, sida xasuuqa, jirdilka, iyo dembiyada hubka Nukliyeerka, marka intaas lagu daro baadiyaynta dadka iyadoo la adeegsanayo waddooyin ay kamid yihiin, kiristaamaynta, dumintii masaajidyada, gubista buugaagta, Iyo tacadiyo kale oo aad u fool-xun.
Tan iyo markii ay ciidanka gumaystaha Faransiiska soo galeen dalka Al-jeeriya, waxa ay dhaqan galiyeen siyaasadahooda gurracan ee ah in magaalooyinka la gubo, taas oo ay uga gol-lahaayeen inay ku caburiyaan iska caabinta dadweynaha ee ka bilaawatay guud ahaan dalka, gaar ahaan tuulooyinka iyo baadiyaha.
Diiwaannada ka hadla xasuuqii Faransiiska ee Al-jeeriya ayaa waxa ku qoran dhacdooyinkii foosha xumaa ee lagu xasuuqay qabiil Al-jeeriyaan ah oo lagu magacaabi jiray Awlaadu-Riyaax sanadkii 1845-kii Miilaadiyada, halkaas oo ciidamada gumaystaha Faransiiska ay si nidaamsan u laayeen xubno ka tirsan qabiilka iyaga oo ku marmarsiyoonaya isbahaysigii ay la lahaayeen Al-Shariif Buumacazata iyo taageerada ay u fidiyeen koox iska caabin ah oo uu hogaaminayay.
Sidoo kale, Xasuuqii loogu magacdaray Aghwaadh ee Faransiiska uu ka geystay Al-jeeriya sanadkii 1852-kii, waxa uu ahaa mid aad uga dhimasho badnaa kuwii ka horeeyay, ciidamada Faransiisku waxay xasuuqaas u isticmaaleen walxo kiimiko ah oo mamnuuc ah caalami ahaan.
Xasuuqyadii 8 bishii May, ee sanadkii 1945-ka uu Faransiisku ka geystay magaalooyinka Sadhiif, Qaalimah, Khuraadhatu, iyo magaalooyinka kale oo ku yaalla dalka Al-Jeeriya ayaa weli waxay markhaati u yihiin xasuuqyadii foosha xumaa ee aan la ilaawi karin, kuwaas oo dowladda Al-Jeeriya ay ku dartay liiska masiibooyinka naxdinta leh ee lagu kaydiyay xusuus qorka dowladda, sida lagu sheegay warqad hore oo ka timid Madaxweynaha Al-Jeeriya Cabdelmadjiid Taboon.
Faransiisku oo jawaab fulinima ah ka bixiniyay weerar lagu qaaday xarumihiisa ciidanka ee Al-Jeeriya sanadkii 1955-kii, ayaa waxa uu gubay xeryo ay ku jireen dad rayid ah, isagoo hawada iyo dhulka ka duqeeyey tuulooyinka ay ku noolaayeen dadka rayidka ah ee Al-Jeeriya. Isagoona yagleelay maleeshiyaad ujeeddadoodu ay ahayd inay ka aargoostaan dadka Al-jeeriyaanka ah ee aan hubka wadanin.
Garoon ku yaalla magaalada Sakiikda ee dalka Al-Jeeriya ayaa waxaa ka dhacay xasuuq weynaa, halkaas oo la isugu soo aruuriyay kumannaan qof oo isugu jiray rag, dumar, carruur iyo waayeello, kuwaas oo intooda badan halkaas lagu toogtay. Tirada dadkii ku dhintay ololaha aargoosiga ahaa ee Faransiiska ayaa gaaray 12 Kun.