Maxamed Xuseen Rooble oo ah Ra’iisal Wasaarihii hore ee Dowladda Fedaraalka oo dhawaan wafdi uu hogaaminayo loo diiday iney Passport Diblumaasiga lasiiyo, si ay ugu safraan dalka KOonfur Afrika, ayaa waxa uu markii ugu horreysay ka hadlay arrintaas.
Rooble oo hadda ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa waxa uu sheegay in ay arrintaani jirto, dhibaatana ay kala kulmeen Dowladda Fedaraalka, taas oo sababtay in ay haraan qaar kamid ah wafdigii uu isagu hogaaminayay.
Waxa uu intaa ku daray in markii uu dib ugu laabto magaalada Muqdisho uu la xisaabtami doono Dowladda Fedaraalka ee uu ku eedeeyay iney tacaddiga u geystay.