Tan iyo wixii ka dambeeyay hadalkii gafka ku ahaa Diinta Islaamka ee kasoo yeeray Wasiiradda Haweenka ee Dowladda Fedaraalka Khadiija Al-Makhzuumi, ee ay ku baaqeysay in la sharciyeeyo Qudbo-Sirada, ayaa waxaa isa soo taraya dadka ka fal celinaya gafkaas.
Haddaba maxay diinta Islaamku ka qabtaa guurka aan sharciga aheyn ee loo yaqaanno Qudbo-Sirada? waxaan arrintaas ka wareysanay Sheekh Maxamed Balli oo kamid ah culimada Soomaaliyeed.