Sunday, July 6, 2025
HomeAll NewsMaxay ka Dhigan Tahay in Itoobiya ay Masar iyo Sudan Ugu Yeerto...

Maxay ka Dhigan Tahay in Itoobiya ay Masar iyo Sudan Ugu Yeerto Xafladda Furitaanka Biyo Xireenka An-Nahda.

Kalfadhiga baarlamaanka Itoobiya oo qabsoomay Khamiistii lasoo dhaafay taariikhduna ay ku beeganayd 3-da Luulyo, ayaa waxaa ka soo qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abii Axmed oo 3-dii biloodba mar horyimaado Baarlamaanka si uu dib u eegis ugu sameeyo waxqabadka xukuumaddiisa, ugana jawaabo su’aalaha xildhibaannada ee ku aaddan arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha ee dalkaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaana khudbadiisa ku billaabay warbixin guud oo ku saabsan waxqabadka xukuumaddiisa, isagoo ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan caafimaadka, waxbarashada, guriyeynta iyo sidoo kale mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha. Waxa kale oo uu ka hadlay, qorshayaasha dib-u-eegista deymaha lagu leeyahay dalkiisa, wax-soo-saarka gaaska, waxqabadka waaxda beeraha, iyo xiriirka Itoobiya iyo dalalka deriska la ah.

Balse dhacdada ugu weyn ayaa ahayd  biyo xireenka Itoobiya ee An-nahda, iyadoo ra’iisul Wasaaraha xabishada Itoobiya Abii Axmed uu shaaca ka qaaday, in dalkiisa uu si rasmi ah u daah furi doono biyo-xireenka An-nahda bisha soo socota ee Sebtembar, isagoo casuumaad u fidiyay dowladaha Masar iyo Suudaan si ay uga qeybgalaan xafladda furitaanka. Waxa uu ku tilmaamay, biyo-xireenka mid faa’iido u leh labada dhinac, balse uusan ahayn mid colaad iyo khatar keena, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Iyadoo aysan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay dhinacyada Masar iyo Suudaan oo la xiriira codsiga Itoobiya.

Geesta kale, taariikhda dhismaha biyo-xireenka weyn ee Itoobiya, oo loo yaqaano “Biyo-xireenka  An-nahda”, ayaa la bilaabay 2-dii Abriil 2011-kii, xiligaas oo ku beegnayd wakhtigii, sida rasmiga ah loo dhagax-dhigay biyo-xireenka. Inkasta oo qorshuhu ahaa in la dhammeeyo sanadka 2017-ka, haddana mashruuca ayaa wajahayay caqabado isdaba joog ah oo sababay dib u dhacyo badan. Caqabadahaas waxaa ka mid ahaa kuwo la xiriira dhaqaale xumo, khaladaad farsamo iyo maarayn la’aan, iyo sidoo kale arrimo amniyeed, kuwaas oo si weyn u hakiyay dhammaystirka mashruuca muddo sanado ah.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo ka hor hadlay baarlamaanka dalkaas ayaa sheegay, in Biyo-xireenka Wabiga Niil uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin qulqulka biyaha gaara dalka Masar, isaga oo xusay in Qaahira aysan lumin hal litir oo ka mid ah saamigeeda biyaha. Wuxuu intaas ku daray in dalkiisu diyaar u yahay inuu mar walba la fariisto Masar iyo Suudaan, si wadahadal loogu dhammeeyo arrinta, loogana miro dhaliyo danta guud iyo horumar wadaaga ka dhaxeeya labada dal.

Wuxuu sidoo kale, ka hadlay cabashada la xiriirta saameynta Biyo-xireenka Itoobiya xilliyada abaaraha, isaga oo sheegay in abaaruhu ay sidoo kale si toos ah u saameeyaan Itoobiya lafteeda. Wuxuu tilmaamay in dowladdiisu hirgelisay hindisaha cagaaran ee “Giriin Lajasi” si loola dagaallamo isbeddelka cimilada loona kordhiyo wax-soosaarka, taas oo uu ku sheegay mid wax ku ool u noqon karta kor u qaadidda kaydka biyaha ee biyo-xireennada Itoobiya, Masar iyo Suudaanba.

Halkaan ka Degso Warbixinta Biyo Xireenka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.