Sunday, May 25, 2025
HomeAll NewsMaxay Salka ku Hayaan Cunaqabateymaha Cusub ee uu Mareykanku Kusoo Rogay Suudaan?

Maxay Salka ku Hayaan Cunaqabateymaha Cusub ee uu Mareykanku Kusoo Rogay Suudaan?[WARBIXIN]

Waashitoon aya qaaday tallaabo cad oo cadaadis ah, kaddib markii ay ku eedeysay ciidamada milatariga Suudaan inay isticmaaleen hub kiimiko ah intii uu socday dagaalkii sanadkii hore ee ay la galeen maleeshiyaadka RSF. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, haweenayda lagu magacaabo Taami Baruus, ayaa war rasmi ah oo kasoo baxay Mareykanka ku sheegtay, in tallaabadan halista ah ay khatar weyn ku tahay shacabka rayidka ah iyo xasilloonida gobolka.

Waxay sidoo kale sheegtay, in cunaqabataynta cusub ee lagu soo rogayo Suudaan ay dhaqan geli doonto dhawaan, gaar ahaan marka la gaaro 6-da bisha Juun ee soo socota, kaddib marka si rasmi ah loogu wargeliyo Kongareeska Mareykanka. Cuna-qabataymahan cusub ayaa noqon doontaa mid balaaran oo ay ka mid yihiin xayiraado lagu soo rogi doono dhoofinta alaabaha Mareykanka ee loo diro Suudaan, iyo sidoo kale xannibaado saameyn doona adeegyada amaahda ah ee ay dowladda Mareykanku bixiso.

Dowladda Suudaan ayaa si adag uga jawaabtay, eedeymaha cusub ee uga yimid Mareykanka, iyada oo si cad u diiday dhammaan tuhunada loo soo jeediyay. Wasiirka Warfaafinta ee dawladda Suudaan, Khaalid Icsar, ayaa ku tilmaamay hadallada kasoo yeeray Waashitoon mid ku saleysan cabsi-gelin siyaasadeed iyo marin-habaabinta xaqiiqooyinka. Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu sheegay, in Mareykanku uu si ula kac ah u beegsanayo ciidamada milatariga Suudaan, gaar ahaan kaddib guulaha muhiimka ah ee ay ka gaareen goobaha dagaalka iyo magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda iyo ammaanka ayaa rumeysan in cuna-qabataymaha uu Mareykanku ku dhawaaqay ay u badan tahay in ay riixayaan ujeeddooyin siyaasadeed, maadaama ay ku soo beegantay xilli uu ciidanka Suudaan horumar muuqda ka sameeyay dagaalka, isla markaana uu hirgeliyay xaqiiqooyin cusub oo miisaankooda leh. Sida ay sheegayaan falanqeeyayaashu, maamulka Waashitoon ayaa u muuqda mid ku degdegay ku dhawaaqista cuna-qabataymahan, iyada oo aan la hubin eedeymaha la xiriira adeegsiga hubka kiimikada ah.

Diyaa’u Diin Bilaal oo ah Qoraa iyo falanqeeye siyaasadeed ayaa ku tilmaamay, eedeymaha loo jeediyay ciidanka Suudaan ee la xiriira adeegsiga hubka kiimikada inay yihiin, been abuur cusub oo wata ujeeddooyin siyaasadeed. Wuxuu sidoo kale sheegay, in eedeymahan la doonayo in lagu wiiqo guulaha milatari ee dhawaanahan ay ciidamada dawladdu ka gaareen dagaalka ay kula jiraan maleeshiyaadka Taageerada Degdegga ah.

Bilaal ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Faysbuuga, si kulul ugu dhaleeceyay sida ay suurtagalka u noqon karto in ciidamo muddo sanad ka badan wajahayay duruufo adag oo dhanka qalabka iyo rasaasta ah, lagana hor istaagay helitaanka agab dagaal oo ugasoo daga dekedaha, uu ku heli karo hub kiimiko oo qaali ah. Wuxuu sheegay, in eedeymaha la hurinayo ay yihiin kuwa aan sal iyo raad toona lahayn, balse loogu talagalay in lagu siiyo kooxaha kasoo hor jeeda dawladda garab sharci darro ah oo siyaasadeed iyo mid diblumaasiyadeed, kaddib markii ay la kulmeen guuldarrooyin is biirsaday oo dhinacyo badan leh.

Halkaan ka Degso Warbixinta Suudaan

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.