Xiriirka Faransiiska iyo Al-Jeeriya weli ah mid kacsan, iyadoo arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha ee ka dhaxeeya labadan dal ay ku xiran yihiin sooyaal taariikheed oo soo jireen ah, taas oo ka dhigaysa kala fogaanshiyahooda mid adag, haddii ay dhacdo in ay xiriirka isku jaraan.
Inkasta oo uu Faransiisku arrintan u adeegsanayo xanibaada dhanka socdaalka, si uu u cadaadiyo Al-Jeeriya. Waxaa dhinaca kale jira arrimo saameyn leh hadii uu khilaafku sii xoogaysto, kuwaas oo ah tamarta iyo xiriirka dhaqaalaha ee labadan dal kasoo dhaxeeyay mudada dheer, taasoo ka dhigaysa xiriirkooda mid adag oo aan si fudud loo jebin karin.
Xasan Ubaydah, oo ah barafasor xiriirka caalamiga ah ka dhiga jaamacadda Geneva ayaa waraysi uu siiyay wakaalada wararka ee Sky News Arabia, wuxuu ku sharraxay in liiska dadka Aljeeriyaanka ah ee uu Faransiisku soo saaray, ay yihiin isku dayo lagu doonayo in lagu tijaabiyo mowqifka maamulka Al-Jeeriya.
Waxa uu sidoo kale xusay in “Faransiisku uu leeyahay dano muhiim ah, haddii ay tahay arrimaha dhaqaalaha iyo amniga, waxaana jira la tashiyo amni oo heerkii ugu sarreeyay ah”, isagoo caddeeyay in wax kasta oo ka soo baxa aysan dani ugu jirin labada dhinac.
Arrinta socdaalka ayaa ah halka ay ka aloosan tahay xiisadda labada dal ka dhex taagan. Faransiiska ayaa doonaya inuu adkeeyo tillaabooyinka ka dhanka ah dalkisa kusoo qulqulaya, wuxuuna la kulmayaa caqabado dhanka sharciga iyo diblomaasiyadda ah oo kaga imaanayay dawladda Al-Jeeriya, kaddib markii uu isku dayay in uu dalkiisa ka masafuriyo muwadiniin kasoo jeeda Al-Jeeriya.