Madaxweynaha Ruushka Faladamiir Buutin ayaa xilka ka qaaday Miikhaa’iil Buugh-daanuuf, oo ahaa ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, isla markaana u shaqaynayay sidii wakiilka khaaska ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Bariga Dhexe iyo waddamada Afrika.
Inkasta oo Miikhaa’iil uu ka dhawaajiyay kaddib xil-ka-qaadistiisa, in sababtu tahay arrimo shaqsi ah oo la xiriirta da’diisa oo haatan ah 73 sano, haddana taas kama aysan hor istaagin in su’aalo badan la iska weydiiyo sababta dhabta ah ee ka dambeysay go’aankaasi, taas oo keentay jahwareer iyo hadal hayn ka dhex aloosan siyaasada dalka Ruushka, maadaama aan si rasmi ah loo shaacin sababta xilka looga qaaday iyo cidda beddeli doonta labada xil ee uu baneeyay.
Miikhaa’iil wuxuu hayay xilka Wakiilka Gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka tan iyo bishii Oktoobar sanadkii 2014-ka, halka uu sidoo kale ahaa Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda tan iyo Juun sanadkii 2011-dii. Bishii Janaayo 2025-ka, Buutin ayaa kordhiyay muddada uu Miikhaa’iil sii joogi karo howlaha diblomaasiyadeed, isaga oo u cusbooneysiiyay illaa 2-da Maarso 2026-ka, taas oo ka dhigaysa xil ka qaadistiisa mid si lama filaan ah u timi, xilli muddo kordhin dhowaan loo sameeyay.
Xil-ka-qaadista Miikhaa’iil ayaa dhalisay shaki iyo su’aalo badan, maadaama uu sheegto inuu ahaa diblomaasi khibrad dheer leh, oo xiriir dhow la lahaa madax badan oo ka tirsan Bariga Dhexe, Afrika iyo hay’adaha caalamiga ah. Wuxuu sidoo kale horey uga soo shaqeeyay safaarado ku yaalla dalal ay ka mid yihiin Lubnaan, Yaman, Masar iyo maamulka Yahuudda ee xoogga ku haysta Falastiin, isaga oo xambaarsanaa darajada safiir buuxa oo u xil-saaran magaca dawladda Ruushka.
Khabiirro badan ayaa rumeysan in xil-ka-qaadista Miikhaa’iil ay muujinayso isbeddel ballaaran oo ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda ee Ruushka, gaar ahaan iyadoo la eegayo xaaladaha isbeddelka ee heer caalami iyo mid gobolba leh. Inkastoo bayaanka rasmiga ah ee kasoo baxay Kirimiliinka uu ku sababeeyay xil-ka-qaadista ninkan “arrimo gaar ah” iyo “da’adiisa oo sii kordheysa”, haddana shaki ayaa weli ku jira maskaxda qaar ka mid ah falanqeeyayaasha, maadaama aan la haynin wax war ah oo sheegaya in xaaladdiisa caafimaad ay hoos u dhacday.
Warbaahinta qaar ee Ruushka ayaa sheegaysa, in xilka uu baneeyay Miikhaa’iil laga yaabo in loo magacaabo, safiirkii hore ee Ruushka u fadhiyay Turkiga ninka lagu magacaabo Yerkhoof, kaas oo sidoo kale horay uga soo shaqeeyay safaaradda Ruushka ee Suuriya, isaga oo ahaa la-taliye diblomaasi. Sida ay wararku tilmaamayaan, Yerkhoof waxaa lagu tiriyaa inuu ka tirsan yahay kooxda dhow ee Faladamiir Buutin.
Waxaa xusid mudan in xil-ka-qaadista Miikhaa’iil ay dhacday wax yar un kaddib markii la eryay Wasiirkii Gaadiidka ee Ruushka Roomaan, kaas oo xilka hayay muddo ka yar hal sano iyo bar, balse wuxuu isku dhex khaarijiyay gaari uu watay, maalmo un kaddib markii sidan oo kale xilka looga qaaday.