Yahuudda ayaa isku dayaysa in ay farageliso arrimaha koox diimeedyada ka jira Suuriya, iyada oo sheeganaysa in ay qaar ka mid ah ka ilaalinayso ku xadgudubka kuwa kale.
Waxayna ku hanjabtay inay faragelin milatari ku qaadi doonta Koonfurta Suuriya, iyadoo ku marmarsiyoonayso inay kooxda Shiicada ah ee Druze ee dagta koonfurta dalkaas ay ka ilaalinayso wax kasta oo arxan darro ah oo kagaga imaan kara hay’adaha dawladda ee Suuriya.
Balse arintaasi waxa ay cagsi ku tahay rabitaanka Yahuudda ee aan wax xiriir ah la lahayn inay ilaaliso qof bani Aadam ah, waxa ay wadana waa dhul ballaarsi iyo inay faraha la gasho arimaha gudaha ee Suuriya, samayna ay ku yeelato, iyadoo arintanu aysan wax shaqo ah ku lahayn danaha urur diimeedka Druze.
Yahuudda ayaana damacsan inay faragelinta malatari ee ay damacsantahay ka bilawdo koonfurta Suuriya, maadama uu u dhawyahay, dhanka kalana ay ka heli karto shay ay ku marmarsiyoota oo ah arimo bini’aadantinimo iyo xuquuqul insaanka, sida ilaalinta bulshada Druze. Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan, in faragelinta Yahuudda aysan ku koobnaan doonin oo keliya sheegashooyinka ilaalinta Druze, balse ay ku talo jirta inay fikraddaasi ku khalado kooxooyin kala ee Shiicada ah. Sida Calawiyiinta.
Tan iyo markii la aasaasay Kayaanka Yahuudda, kama uusan laba labaynin inuu farageliyo arrimaha gudaha ee Carabta iyo inuu sii huriyo colaadaha la xiriira qawmiyadaha iyo kooxa diimeedyada ee ka jira waddan kasta oo Carbeed, kadib markii uu helo faahfaahin ku saabsan khilaafaadka gudaha ee dalalkaas. Mararka qaar Yahuudda ayaa ku guulaysatay ahdaaftaas gurracan, halka marar kalana ay ku hungowday.
Balse markasta Yahuudda waxay u arkaysay, in bulshada Carabta laga soo dhex galo daaqadda kooxaysiga iyo qowmiyadaha ay suurtogal tahay. Arintaan ayaana u sahashay Yahuudda inay mashquuliso dawladda, u abuurto dhibaatooyin kala duwan, lagana yaabo in ay saameyn ku yeelato siyaasadeeda.
Waxaas oo dhan ka sokow, milkiiliyaasha warbaahinta Sahyuuniyadda ee dibadda ku sugan ayaa doonaya, in arrintan loo shaqaalaysiiyo kooxa si ay uga soo horjeestaan sharcinimada dowladda iyo taliyayaasheeda gobolka, iyadoo la adeegsanayo sababo bini’aadantinimo iyo xuquuqul insaanka.
Arintaasi waxaa ku jira dalal badan sida Masar, Ciraaq, Aljeeriya, Suudaan, Soomaaliya iyo Ereteriya. Qayb aasaasi ah oo ka mid ah siyaasadda arrimaha dibadda ee Yahuudda ayaa ku salaysan fikradda faragelinta arrimaha waddamada kale si ay faa’iido uga helaan faragelintaas.
Dawrka Yahuudda ee Afrika cidna kama qarsoona, faragelinta iyo xiriirka Yahuudda, xitaa dalalka Islaamka, ayaa ku dhawaad ka badan kuwa waddamada Carabta. Waxaana lawada xasuustaa khilaafkii ka dhashay ka qayb galka Yahuudda ee shirka Afrika.
Waxayna Yahuudda tageertay fallaagadii Koonfurta Suudaan, taasoo horseeday inay Suudaan kala qaybsanaanto, halka ay maantana u xusul duubayso inay maamulka Soomaaliland ka goyso Soomaaliya inteeda kale.
Si kastaba ha ahaatee, xaaladda Suuriya gabi ahaanba waa ka duwan tahay xaaladahaas oo dhan. Faragelinta Yahuudda ee Suuriya waxay ujeeddadeedu tahay in lagu wiiqo dawladda cusub, oo raadinaysa waddadii ay ku sal dhigan lahayd kadib in ka badan nus qarni oo ay xukunka dalkaas haayeen qoyska Asad, halka waddankana 13 sano ay ka socdeen dagaallo sokeeya.