Monday, May 12, 2025
HomeAll NewsMaxay Tahay Halista ay Wajahayaan Maraakiibta Diyaaradaha Xambaara ee Mareykanka?

Maxay Tahay Halista ay Wajahayaan Maraakiibta Diyaaradaha Xambaara ee Mareykanka?[WARBIXIN]

Iska horimaadkii u dambeeyay ee dhex maray ciidamada Maraykanka iyo kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa banaanka keenay, in maraakiibta diyaaradaha xambaara ee Maraykanka oo midkiiba ku kacaya Ballaayiin Doollar, ay wax yeello gaarsiin karaan hub aan qaali ahayn, sida diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada weerarka. Hubkan oo qaarkood laga yaabo in ay ku kacaan lacag aan ka badneyn dhowr kun oo Doollar, ayaa hadda awood u leh in ay waxyeello xooggan gaarsiiyaan maraakiibtan iyo diyaaradaha ay xambaaraan. Ololaha militari ee ka dhanka ahaa Xuutiyiinta Yemen oo ay aad uga falceliyeen kooxdaas ayaa khasaare aad u balaaran gaarsiiyay maraakiibta dagaalka ee Maraykanka, kuwaas oo hawlagllo ka samanayay Badda cas.

29-kii Abriil, sanadkan 2025-ka, ciidamada badda ee Maraykanka ayaa qirtay qasaaraha kasoo gaaray weerarda ay kooxda Xuutiyiintu la beegsadeen maraakiibtooda.  Taliska Maraykanka ayaana ku dhawaaqay, in diyaarad nooceedu ahaa  F-18 ay lumisay kaantaroolkii, taas oo keentay in ay ku burburto badda, intii lagu guda jiray weerar lagu qaaday markabka USS Haari. Dhacdadan kaddib, telefeeshinka Maraykanka ee CNN oo soo xiganaya sarkaal ka tirsan ciidamada Maraykanka ayaa sheegay, in diyaaradda F-18 oo ay ku baxday in ka badan 60 Millyan oo Doollar ay burburtay, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen ciidamada badda ee Maraykanka.

Hal isbuuc un kaddib dhacdadan, ciidamada badda ee Maraykanku ayaa mar kale lumiyay diyaarad labaad oo ahayd nooca FA-18, taas oo kasoo kacday markabka diyaaradaha xambaara ee USS Haari, diyaaradan ayaana ilaayo hada la ogayn waxa sababay burburkeeda maadaama uu weli baaritaankeedu socdo.

Maraakiibta diyaaradaha xambaara ayaa laf-dhabar u ah awoodda ciidamada badda ee Maraykanka muddo tobanaan sano ah. Hab dagaaleedka cusub ee loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada weerarka, ayaa awood u leh inay quusiyaan maraakiibtan. Arrintan ayaana walwal xooggan ku abuurtay taliska ciidamada badda ee Maraykanka, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee The Nashnal-Intarest.

Khubaro Ameerikaan ah oo falanqayn ka bixiyay dhacdooyinkan ayaa sheegay, in maraakiibta diyaaradaha xambaara ee uu Maraykanku isticmaalo qaar-kood ay haatan noqdeen kuwo hawlgalb ah oo aan awood ku filan u lahayn ka hortagga weerarada lagu bartilmaameedsanayo. Tan ayaana tilmaamaysa baahida uu Maraykanku u qabo dib-u-qiimaynta istaraatiijiyadeed ee maraakiibta dagaalka, kuwaas oo kharashkoodu uu u dhigmo miisaaniyad dhan Balaayiin Doollar.

Sida ay tilmaamayaan khubarada ku xeel dheer arrimaha ciidamada, waxaa jira 5 caqabadood oo daa’iman wax yeello xooggan u gaysta maraakiibta xambaara diyaaradaha ee laga leeyahay dalka Maraykanka, waxaana kamid ah;

Weerarada loo adeegsado qalabka loo yaqaano UUV, kaas oo ah aalad u samaysan sida gantaalka, taas oo awood u leh inay quusto gunta hoose ee badda loona isticmaalo xog aruurinta iyo daba galka, iyada oo lagu fulin karo hawgallo militari.

Halkaan ka Degso Warbixinta Maraakiibta Mareykanka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.