Monday, June 23, 2025
HomeAll NewsMaxay Tahay Sababta uu Mareykanku Lacagaha u Siiyo Dowladda Masar.? .

Maxay Tahay Sababta uu Mareykanku Lacagaha u Siiyo Dowladda Masar.? [Warbixin].

Marka la eego cadaadiska joogtada ah ee uu Donald Trump ku hayo Masar iyo Urdun ee ah in ay aqbalaan qorshaha Falastiiniyiinta looga barakicinayo Marinka Qaza, ayaa waxaa soo baxaya hadal heyn ku saabsan kaalmada Mareykanku uu siiyo Masar, taas oo Washington muddo dheer u sahli jirtay inay Masar ku cadaadiso arimo siyaasadeed oo ay ka lahayd dalkeeda.

In kasta oo ay kaalmadan milateri  ay qayb ka ahayd qabanqaabada xiriirka labada dal tan iyo heshiiskii la dhex dhigay Masar iyo Yahuudda, waxa ay dhacdooyinkii u dambeeyay keeneen su’aalo la xiriira muhiimadda ay taageeradan Masar u leedahay maanta iyo in Qaahira ay awood u leedahay in ay hesho beddel istaraatiiji ah oo awood u siinaysa in ay yarayso ku tiirsanaanta kaalmada Maraykanka.

Maamulka Trump ayaa cadaadis xooggan ku haya Qaahira, si ay u oggolaato in Falastiiniyiinta loosoo barakiciyo mandiqada Siinaay. Mawqifka Masar ee ay ku dhawaaqday ayaa ahaa mid ay ku cadaynayso go’aanka ay ka qaadatay barakicinta khasabka ah ee reer Qaza, taas oo si cad loogu muujiyay bayaan rasmi ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar Khamiistii la soo dhaafay.

Bayaankan kasoo baxay dawladda Masar ayaa laga dareemayaa cadaadiska xooggan ee uu Maraykanku ku hayo dawladaas, sida oraahyada loo adeegsaday bayaanka ee mas’uuliyiinta Masar, taas  oo laga dareemayo ka fogaanshaha tixraaca tooska ah ee Washington ama Trump, qodobkaas oo Falanqeeyayaashu ay u arkaan inay caddayn u tahay sida ay Qaahira u rabto in aynan waxyeello u geysan xiriirka istiraatiijiyadeed ee kala dhaxeeya Maraykanka.

Xog ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamaya in Masar oo sannado badan ku tiirsanayd kaalmada Maraykanka ee sannadlaha ah, ay haatan awood u lee dahay in ay hesho beddel u sahlaya helida gargaarkaas, gaar ahaan marka la eego kala duwanaanshaha ilaha hubka ee sannadihii u dambeeyay, iyo furfurnaanta Masar ee la-hawlgalayaasha cusub sida Ruushka, Faransiiska iyo Shiinaha.

Halkan kala deg Warbixinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.