Wednesday, May 14, 2025
HomeAll NewsMaxay Tahay Tallaabada uu Shiinuhu ku Doonayo Inuu Dagaal La'aan Kula Wareego...

Maxay Tahay Tallaabada uu Shiinuhu ku Doonayo Inuu Dagaal La’aan Kula Wareego Taiwan?[WARBIXIN]

Bilihii ugu dambeeyay ee Kacaanka Shiinaha, Ciidanka Xoreynta Shacabka ee dalkaas ayaa go’doomiyay magaalada caasimadda ah ee Biijiin, oo markaas loo yaqaanay Biibingh. Toddobaadyo go’doomin ah Kadib, bishii Janaayo sanadkii 1949-kii Biijiin waxaa lala wareegay dagaal la’aan, kadib markii taliyihii maxalliga ahaa ee magaaladaasi uu is dhiibay. Arrintan ayaa bilow u noqotay burburka xisbigii  talada Shiinaha hayay waqtigaas ee la oran jiray Koomiintang, waxaana mid mid u dhacay magaalooyinkii iyo tuulooyinkii iyadoo aysan jirin wax iska caabin ah oo la taaban karo, sida ay qortay majallada The Ikonomest oo dhawaan falanqeyn ku sameeysay arinkaas.

Majallada waxay tixraacday waxa ay Shiineesku maanta u yaqaan “tusaalihii Biibingh ama Biijiin”, kaas oo ah erey ay aad u adeegsadaan hogaamiyaasha ugu sareeya ee xisbiga talada Shiinaha hayo, waxay sheegeen, inay macquul tahay in Shiinuhu uu afganbiyo Taywaan dagaalla’aan sidii magaaladaas oo kale, iyagoo arintaasi, u arka sii wadidda kacaanka iyo hagaajinta masaarkiisa taariikhda iyo in la tirtiray raadadkii ugu dambeeyay ee xizbiga Koomiintang, kaas oo ay ciidamadiisu u carareen jasiiradda Taywaan bishii Diseembar sanadkii 1949-kii.

Taas bedelkeeda, sannadihii u dambeeyay, Maraykanku waxa uu u muuqday inuu si taxadar leh uga walaacsan yahay suurtogalnimada, in Biijiin ay awood malatari u isticmaasho Taywaan oo ay sidaasi xukunkeeda ku hoos keento. Mareykanka ayaana isku dayay inuu dib u eega awoodiisa istaraatiijiyadeed ee ku aaddan labada badood ee Hindiya iyo Baasifikada, si loogu diyaar garooba khatartaas, oo matali karta dhammaadka isbeddelka awoodda ee dagaalkii qaboobaa kadib.

Xaaladdan oo kale, Admiiraal Filiib, oo ah taliyaha hawlgabka ah ee ciidamada isku dhafka ah ee Maraykanka ee gobolka, ayaa sheegay, inuu filayo in Shiinuhu uu degsaday istiraatiijad uu dib uga hanan kara jasiiradda Taywaan, iyada oo loo marayo duullaan bad iyo barriba ah, oo ay u badan tahay inuu dhaco tobanka sano ama lixda sano ee soo socota.

Dhankiisa, agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Dhexe ee Mareykanka ninka lagu magacaabo Wiilyaam Biiranza ayaa Wareysi uu siiyay shabakadda Ameerikaanka ah CBS oo la sii daayay Febraayo 2023-kii, ku yiri: “Waxaan ognahay in madaxweyne Shiinaha uu ku amray hoggaanka militarigiisa inay 2027-ka u diyaar garoobaan duulaan ka dhan ah Taywaan.”

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo la baarayo dabeecadda Shiinaha ee agagaarka iyo gudaha jasiiradda Taywaan, waxay u muuqataa in duullaan bad iyo barri ah uusan ahayn qorshaha kaliya ee Biijiin, iyo in uu jiro qorshe kale oo kaas badiil ka noqan karo iyada oo aan loo baahnayn dagaal, sida lagu sameeyay magaalada Biijiin lafteeda in ka badan toddobaatan sano ka hor, waana istiraatiijad iyo hab dagaaleed ka duwan kan ay filayaan Ameerikaanka.

Halkaan ka Degso Warbixinta Shiinaha

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.