Macallimiinta Suudaan maanta waxay ku nool yihiin xaalad murugo leh, oo maalinba maalinta ka danbaysa mugdi sii siyaadsanaya, mushaaraadkii oo dib u dhac ku yimid, mushaar la’aan, iyo xaalad nololeed oo aad u liidata awgeed, taasoo khatar ku ah sharaftooda, isla markaana meesha ka saaraysa haybaddoodii macallinnimo.
Baruhu waxa uu astaan u noqday faqriga iyo xaqiraadda, isaga oo maalin walba u dulqaata bahdilaad, halka dadka qaarkii ay u arkaan, in macalimiintu ay xirfaddani u doorteen naf-hurid iyo ka fakiridda mustaqbalka ubadka Suudaan. In kasta oo uu xanuunkani jiro, haddana codkiisu waa daciif, mana jirto cid hoos u dhuganayso cabashadiisa oo ka tirsan mas’uuliyiinta Suudaan, sida in aanay waxbarashadu waligeed aasaas u ahayn dib-u-soo-noolaynta ummadda.
Xirfadda macallinnimada ee Suudaan waxaa ka jira dhibaatooyin dhowr ah oo is-daba-joog ah, kuwaas oo ay ugu caansan yihiin qodabada soo socda.
Midka koobaad ayaa noqonaya, mushahar yari iyo dhiirigelin la’aan: Barayaashu waxay helaan mushaar aan ku filneyn, kaas oo aan dabooli Karin nolol maalmeedkooda, halka mas’uuliyiinta dalkaas ay ku raxaysanayaan noolal aad u sarayso. Waxaa iswaydiin leh sidee buu qof fac ka fac wax baraya ugu noolaan karaa saboolnimo aad u xun?.
Arinka labaad ayaa ah, in macallimiintu ay la ildaran yihiin sannado badan oo uu dib-u-dhac ku yimid bixinta xuquuqdooda iyadoon wax tallaabo ah laga qaadin, halka bixinta baahiyahooda maalinlaha ahna aysan ahayn mudnaanta koowaad.
Caqabada sadaxad ee haysata macalimiinta Suudaan ayaa ah, dayaca dawladeed iyo la xisaabtan la’aan: dawladdu wax dan ah kama lahan xallinta mashaakilaadka Barayaasha, mana la xisaabtanto ciddii ku xad gudubta xuquuqdooda.