Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsMaxay Tahay Tallaabada uu Qaadayo Maamulka Aala-Sucuud Kadib Xabad Joojinta Qazza?

Maxay Tahay Tallaabada uu Qaadayo Maamulka Aala-Sucuud Kadib Xabad Joojinta Qazza?

Xabad joojinta marinka Qaza ayaa dhaqan gashay shalay Axadii, kaddib 15 bilood oo dagaallo adag ay ka sacdeen marinka, Donald Trump ayaa isaguna maanta lagu wadaa in loo caleemo caaro xilka Madaxwaynanimo ee dalka Maraykanka, kaas oo dabayaaqada sanadkii tagay ku guulaystay doorashada Maraykanka.

Dhinaca kale, dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa wajahaya laba daran mid dooro oo ah in uu aqoonsado maamulka Yahuudda, ama in uu  joojiyo heshiiskiisa uu ku doonayo samaynta barnamij Nukliyeer ah oo uu dalkiisa ku ilaashado.

Iyadoo Riyadh ay soo dhaweysay xabad joojinta Marinka Qaza iyo isdhaafsiga maxaabiista, ayay hadana dhanka kale doonaysaa inay Yahuudda la gasho heshiis caadiyaynaya xiriirka Sahaayinada, kaas oo dhabar jab wayn ku ah shacabka Falastiiniyiinta.

Firas Maqsad, oo ah cilmi-baare ka tirsan Machad ka faalooda siyaasada Bariga Dhexe oo ku yaalla magaalada Washington, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP, in aysan jirin siyaasad la isku halayn karo oo leh waqti cad oo lagu dhisi karo dowlad ay Falastiiniyiintu gaar u lee yihiin,  arintaas ayaana caadiyaynta xiriirka Yahuudda wali ka dhigaysa mid sii jira.

Halkan kala deg Faafaahinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.