Wednesday, April 16, 2025
HomeAll NewsMaxay Washington iyo Tehran Udoonayaaan Iney Dib Ugu Laabtaan Wadahadallada?

Maxay Washington iyo Tehran Udoonayaaan Iney Dib Ugu Laabtaan Wadahadallada?[WARBIXIN]

Indhaha warbaahinta caalaamka oo dhan waxa ay Sabtadii ina dhaaftay kusii jeedeen dalka Cumaan, halkaas oo uu ka dhacayay wadahadalada u dhaxeeya Maraykanka iyo Iran ee ku saabsan barnaamijka Nukliyeerka ee Tehran.

Wadahadalladan ayaa daarnaa ujeedooyin kala duwan oo u dhexeeya labada dhinac, iyada oo ay jirto xaalad kalsooni darro ah oo soo jirtay tan iyo markii Washington ay ka baxday heshiiskii Nukliyeerka Iran 2015-kii.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Arakchi iyo ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan waxa loogu yeero Bariga Dhexe ninka lagu magacaabo Steven Witkoff ayaana ka qeybgalay wada-hadalka oo ay dhexdhexaadineysay Saldanada Cumaan. Wadahadallada ayaana ahaa kuwa dadban oo loo maraya dhexdhexaadiyaasha, iyadoo ay suuragal tahay in kulan toos ah uu dhexmaro mas’uuliyiinta dalalkaas.

Labada dhinac ayaa wada-xaajoodyadan u galayay si taxadar leh, iyagoo isku dayayay inay abuuraan heshiis cusub oo Nukliyeer ah, kadib burburkii heshiiskii 2015-kii. Halka Yahuudana ay si dhow ula socota natiijada ka soo baxda wadahadallada, gaar ahaan kadib markii ay si toos ah isugu dhaceen Tel Aviv iyo Tehran sannadkii hore.

Wadahadalladani waxay u taagnaayeen waqti muhiim u ah xiriirka Iran iyo reer galbeedka, kadib sannado badan oo xiisadda u dhaxaysa ay cirka isku sii shareerayasy, gaar ahaan laga soo bilaabo tan iyo markii madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump, uu saxiixay muddo xeleedkiisii hore, in Mareykanku uu ka baxay heshiiskii Nukliyeerka ee Iran, isagoo u arkayay mid cilladaysan oo aan danaha Mareykanka ka shaqaynin.

Halkaan ka Degso Warbixinta Mareykanka iyo Iiraan

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.