Warbixin ciwaan looga dhigay “Guuldarooyinka deg-dega ah, Isbedellada la filayo iney ku yimaadaan howlglaka AUSSOM ee Soomaaliya” ayaa lagu daabacay website-ka lagu magacaabo Qiraa’aat Ifriiqiyah, waxaana qoray lagu magacaabo Sayid Ghariib.
Warbixintan ayaa looga faallooday caqabadaha waaweyn ee ku horgudban duullaanka ay Shisheeyuhu ka wadaan Soomaaliya, kaasoo sanadkan iyo kii ka horeeyeyba la kulmaya turanturooyin halis ah, oo mugdi gelinaya sii socoshada duullaankan mustaqbalka dhow.
Sida uu qoraaga maqaalku tilmaamayo, waxaa sanadihii u dambeeyay taagnaa isbedello waaweyn oo ku yimid howlgallada ay maalgeliso Qaramada Midoobay, qeybna ka yihiin dalalka Afrika, duullaanka AUSSOM ayuuna qoraagu tilmaamayaa, inuu yahay kii ugu dambeeyay ee la hirgeliyo billowgii sanadkan 2025-ka.
Laga soo billaabo duullaankii UNISOM ee horaantii sagaashameeyadii ka hirgalay Soomaaliya, illaa duullaanka magacyada dhowrka jeer ee loo bedeley ee xilligan magac ahaan huwan AUSSOM, waxaa uu maqaalku tilmaamaya sida aaney marnaba ugu guuleysan reer galbeedka damacooda la xiriira iney Soomaaliya ka fuliyaan danaha ay iyagu leeyihiin.
“ Ka hor inta aanu howlgalka AUSSOM bilaabin fulinta ajandayaashiisa, waxaa si degdeg ah uga soo horbaxay caqabado iyo culeesyo joogta ah, caqabadahaas ayaana dhaliyay in kulan degdeg ah uu ka dhaco Uganda bishii April ee sanadkan, kaasoo ay ka qeybgaleen dowladaha qeybta ka ah howlgalka, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Maraykanka” ayuu leeyahay qoraaga maqaalka oo lagu magacaabo Sayid Ghariib.
Isagoo soo bandhigaya maqaalka taxadiyaatka iyo caqabadaha ku horgudban dhaqangalka duullaanka Shisheeye ee Soomaaliya, ayuu ku qodobeeyay dhowr arimood, oo ay ugu horeyso, iyadoo aan la heynin maalgelin rasmi ah.
Wuxuu leeyahay qoraagu “ waxaa muuqata in howlgalka AUSSOM uu ka dhaxlay ATMIS, dhibaatada la xiriirta maalgelin la’aanta, waxaana la dhisay howlgalka isagoo aan heysan maalgelin rasmi ah oo joogta ah, inta u dhexeysa April illaa June oo keliya ayuuna duullaanku u baahanyahay lacag dhan 190 malyan oo dollar, sidaba uu horey u sheegay madaxa Midowga Afrika”.
Warbixin uu horaantii April xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u diray golaha Ammaanka, ayuu ku sheegay, in haddii aan maalgelin degdeg ah loo helin duullaanka ciidamada Shisheeyaha ee Soomaaliya, uu howlgalku wajahayo xaalad halis ah. Waxaa intaa dheer in gudoomiyaha Midowga Afrika ee duullaanka Soomaaliya uu isaguna sheegay, in mushaar aan la siin ciidankooda muda dhan todobo bilood illaa sagaal bilood, taasina ay ka dhigantahay xaalad burbur ah oo soo wajaha duullaankooda.
Caqabadaha kale ee ku horgudban duullaanka fadhiidka noqday ee AUSSOM, laguna sheegay maqaalka lagu baahiyay website-ka Qiraa’aat Ifriiqiyah, waa iyadoo weli muran ka taaganyahay tirada ciidamada qeybta ka noqonaya duullaanka.
Wuxuu maqaalku sheegayaa in tirada guud ee ciidamada qeybta ka noqonaya duullaanka ay tahay kudhawaad 12 kun oo askari, welina aaney dowladaha qeybta ka ah duullaanka ku heshiinin sida ay u kala qaadanayaan, waxaana taasi ugu wacan buu leeyahay maqaalku, iyadoo Dowladda Federaalka ay qaaday tallaabooyin iska hor imaanaya iyo hadallo isburinaya.
Caqabadaha kale ee heysta duullaanka Shisheeyaha ee Soomaaliya, waa kororka howlgallada ay fulineyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, maqaalka ayaa tilmaamaya in isfidinta ay wado Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo la wareegitaanka magaalooyin muhiim ah oo dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ay ka dhigantahay halis soo wajahday duullaanka aan cagaha badan ku taagneyn ee magaciisa loo soo gaabiyo AUSSOM.
Wuxuu sidoo kale maqaalku soo hadal qaaday, weerarada duqeymaha ah ee soo noqnoqday, kuwaasoo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku garaacday xerada Xalane, oo ah taliska ugu weyn ee ciidamada Shisheeyaha ku leeyihiin Soomaaliya, sidoo kalena ku yaalaan xafiisyada hay’adaha taabacsan Qaramada Midoobay.
Caqabadaha kale ee uu maqaalku sheegay, waa kala qeybsanaanta Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, taasoo uu maqaalku ku tilmaamay iney tahay mid caqabad ku ah duullaanka Shisheeyaha ee Soomaaliya, meeshana ka saaraya rajada la xiriirta in la helo xukuumad awood leh.
Kalsoonida sii baaba’eysa, khilaafaatka u dhexeeya dowladaha taageera duullaanka Shisheeye ee Soomaaliya, iyo Dowladda Federaalka oo dhinacyo kala duwan la geleysa heshiisyo amni oo iska hor imaanaya, ayaa sidoo kale kamid ah caqabadaha heysta duullaanka Shisheeye ee Soomaaliya, laguna sheegay maqaalka lagu daabacay mowqica Qiraa’aat Ifriiqiyah.
Gegebada waxaa maqaalka lagu yiri “ Waxaa muuqata in howlgalka AUSSOM uu ka dhaxlay howlgalladii hore ishkaaliyaad iyo culeesyo la xiriira maalgelinta, kororka argagaxisada, dhamaan arimahaas ayaana halis gelinaya shaqada howlgalka, si koobanna waxaan u dhihi karnaa, guul uu gaaro howlgalkan waxay ku xirantahay in loo helo maalgelin joogta ah, howlgalku illaa iyo hadda ma heysto maalgelin cad” ayuu yiri qoraaga maqaalka oo lagu magacaabo Sayid Ghariib.
Maqaalkan ayaa ku biiraya warbixinno, diraasaat amni iyo dardaar warin badan oo horey uga soo baxay dhinacyo kala duwan oo uu saameynayo duullaanka ay Shisheeyuhu ku joogaan Soomaaliya, waxaana muuqata in weli aaney Shisheeyuhu wax xal ah ka gaarin caqabadaha heysta duullaankooda.