Thursday, June 19, 2025
HomeAll NewsMaxay Yihiin Ciidamada Kacaanka ee Iiraan, Yaase Looga Dilay Weerarkii Yahuudda ee...

Maxay Yihiin Ciidamada Kacaanka ee Iiraan, Yaase Looga Dilay Weerarkii Yahuudda ee Iiraan? [WARBIXIN]

Yahuudda iyo Iiraan ayaa dhexmuquuranaya xiisad dagaal oo si xawli ah usii kordhaysa marba marka danbaysa, iyadoo labada dhinac ay iswaydaarsanayaan duqeymo xooggan oo ay u adeegsanayaan diyaaradaha dagaalka, kuwa aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada dheereeya, kuwaas oo bartilmaameedsanaya goobaha ciidanka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee labada maamul, marka intaasi lagu daro, xarumaha dadweynaha.

Xiisadda hadda taagan ayaa bilaabatay kadib markii uu kayyaanka Yahuuddu duqeymo xiriir ah ku qaaday Iiraan subaxnimadii Jimcihii ina dhaafay, hawlgalkaas oo uu sheegay, inay ka qayb qaadateen 200 oo diyaaradihiisa dagaalka ah, kuwaas oo lala beegsaday Tobannaan goobood oo Nukliyeer ah iyo kaabayaal dhaqaale oo Iiraan ku yaalla, oo ay ku jirto xarunta ugu weyn ee Nukliyeerka ee Nadhanza.

Duqeymahan ayaa ku soo beegmay, xilli Iiraan iyo Maraykanka oo ah saaxiibka koowaad ee Yahuudda ay dhexmareen wareegyo wada-xaajoodyo ah oo ku saabsan barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan.

Mowjadii ugu horreysay ee weerarrada Yahuudda ayaa lagu dilay ugu yaraan afar taliyeyaal sare oo ka tirsanaa ciidamada ilaalada kacaanka ee Iiraan, iyo sidoo kale Lix saynisyahano oo ku takhasusay cilmiga hubka Nukliyeer.

Gumaystaha Yahuuddana ayaana sheegay, in weerarradan ay ujeeddadoodu tahay, in lagu wiiqo awoodda Iiraan ay u leedahay inay samaysato bam Nukliyeer ah iyo in lagu naafeeyo cududda ciidan ee Tehraan.

Taliyaasha ugu saraysay ee laga dilay ciidamada Ilaalada Kacaanka ee Iiraan ayaana lagu kala magacaabi jiray: Xuseen Salaami oo ahaa taliyaha ciidamada ilaalada kacaanka ee Iiraan. Maxamed Baaqiri, oo ahaa taliyaha guud ee ciidamada caadiga ah ee Iiraan, Amiir Cali, oo ahaa taliyaha ciidanka cirka ee hoostaga ciidamada ilaalada kacaanka ee Iiraan iyo Ghulaam Cali Rashiid oo ahaa taliyaha xarunta taliska guud ee dagaalka ee ciidamada Iiraan, iyadoo hogaamiyaha guud ee Iiraan uu isla markiiba buuxiyay jagooyinka ay ka geeriyoodeen ragan.

Haddaba waxaa iswaydiin leh maxay yihiin ciidamada ilaalada kacaanka ee Iiraan?

Ciidamada ilaalada kacaanka ee Iiraan ee loo soo gaabiyo (IRGC) waa farac ka mid ah ciidamada nidaamiga ah ee Iiraan, waxaa la aasaasay kadib kacaankii Iiraan sanadka markuu ahaa 1979-kii. Waxayna ka barbar shaqeyaan ciidamada caadiga ah, marka laga soo tago inay si toos ah uga amar qaataan hogaamiyaha sare ee Iiraan Cali Khumayni, waxayna dawr muhiim ah ka ciyaaraan difaaca Iiraan, hawlgallada shisheeye, iyo saamaynta gobolka.

Halkaan ka Degso Warbixinta Iiraan

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.