Xiisadda u dhaxaysa Hindiya iyo Bakistaan ee dhowaan cirka isku shareertay ayaa mar kale muujisay sida ay colaadda labada dal u saameyneyso nidaamka juqraafiyeed ee caalamka. Maqaal lugu daabacay majaladda The Ekonomist ayaa iftiimiyay in khilaafkan uusan marnaba ahayn mid u gaar ah labada dal oo xaddidan, balse uu yahay arrin leh saameyn balaaran oo gaaraysa quwadaha waaweyn iyo isbahaysiyo caalami ah.
Taanafii Maadaan, oo ah cilmi-baare sare kana tirsan Machadka Barookinis, ayaa Maqaal ay ka qortay arrintan ku sheegtay, in dunida inteeda kale aysan u arkin colaadda Hindiya iyo Bakistaan mid gobolka gaar ku ah, iyada oo tilmaantay in ay jiraan dano istiraatiijiyadeed oo gadaal ka riixaya colaada ka dhex aloosan labadan dal, kuwaas oo ay qayb ka yihiin dalal badan, sida Maraykanka, Shiinaha, iyo waddamo kale oo Khaliijika ka tirsan, kuwaas oo si dhow ula socda fal kasta oo ka dhaca xadka labada wadan.
Labadan dal ayaa ah kuwo haysta hubka Nukliyeerka tan iyo sanadkii 1998-dii. Xiisad kasta oo u dhaxaysa Hindiya iyo Bakistaan ayaa noqota mid cabsi iyo feejignaan sare ku abuurta wadamada caalamka, awooda labadan dal ay leeyihiin ayaa ka dhigaysaa xiisad kasta oo ka dhex qaraxda mid halis ugu jirta in ay si degdeg ah isugu badasho dagaal baaxad leh oo aan xuduud lahayn.
Weerarkii lagu qaaday dalxiisayaal ku sugnaa qeybta Hindiya ee Kashmair bishii Abriil ayaa horseeday in ay sii kululaato xaaladda. Isla markii uu dhacay weerarkaasi, ayuu Maraykanku wuxuu si degdeg ah u cambaareeyay dawladda Bakistaan, taasoo muujisay in Waashitoon ay si dhab ah u garab taagan tahay Hindiya, gaar ahaan marka la eego danaha ay wadaagaan. Maraykanka, oo ay siyaasaddiisu muddo dheer ahayd dhexdhexaadnimo marka ay Hindiya iyo Bakistaan is qabtaan, ayaa markan qaaday mowqif cad oo u janjeera dhinaca Hindiya.
Dhanka kale, Shiinaha ayaa si cad u taageeray Bakistaan, isaga oo si adag u cambaareeyay duqeynta milatari ee ay Hindiya ku qaaday bariga Bakistaan. Shiinuhu wuxuu Islaama-baad u arkaa inay tahay dal uu gaashaan uga dhigan karo duulaanada kaga imaan kara reer galbeedka, wuxuuna si joogto ah u kordhiyaa xiriirka dhaqaale, ganacsi, iyo milatari ee kala dhexeeya Islama-baad.
Sidaas si lamida Turkiga ayaa la saftay Bakistaan, wuxuuna si gaar ah ugu deeqay diyaarado aan duuliye lahayn, kuwaas oo la rumeysan yahay in ay dawr muhiim ah ka qaateen is-difaaca ciidanka Bakistaan. Tani waxay muujineysaa in taageerada Bakistaan aysan ku ekaan hal quwad, balse ay leedahay xulufo badan oo ka tirsan dunida gaar ahaan wadama Islaamka.
Faransiiska, Yahuudda iyo Maraykanka ayaa iyaguna ah quwadaha taageera Hindiya dhinaca hubka iyo tiknoolajiyadda. Hindiya waxay heshaa qalab casri ah oo ay ugu dambeysay diyaaradaha dagaalka ee Rafale iyo sirdoon farsamo oo sare, taasoo ka dhigaysa mid si weyn ugu kalsoon awooddeeda ciidan ee ay ku leedahay gobolka.