Maamulka la baxay Soomaaliland ayaa sanadkii 2014-ka waxa uu dowladda Jabuuti u gacan galiyay nin lagu magacaabo Cabdullaahi Sheekh C/raxmaan, kaas oo isagoo indha ka xiray lagu wareejiyay Jabuuti.
Muddo 11 sano ah oo uu Cabdullaahu ku xirnaa xabsi ku yaalla magaalada Jabuuti, ayaa waxaa ugu dambeyn laga sii daayay xabsigii uu ku jiray.
Cabdullaahi ayaa markuu magaalada Hargeysa ka soo degay u mahadnaqay dadkii garab istaagga u muujiyay mudadadii uu xabsiga ku jiray.