Monday, May 19, 2025
HomeAll NewsMaxuu Salka ku Hayaa Khilaafka Soo Kala Dhexgalay Dowladaha Faransiiska & Al-Jeeriya?

Maxuu Salka ku Hayaa Khilaafka Soo Kala Dhexgalay Dowladaha Faransiiska & Al-Jeeriya?[WARBIXIN]

Tallaabooyin cusub oo ka dhan ah dowladda Al-Jeeriya oo uu qaaday Faransiiska ayaa kusoo aaday, iyadoo ay jirto xiisad diblomaasiyadeed oo aan horay loo arag oo ragaadisay xiriirka labada dal muddo bilo ah.  Markaani afhayeenadda dowladda Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday, in Baariis ay qaadi doonto tallaabooyin saameyn doona qayb ka mid ah jaaliyadda Al-Jeeriya ee ku nool Faransiiska, taas oo loo arko jaaliyadda ugu badan ee degan dalkaas.

Diblomaasiyiinta labada dal ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay dhibanayaal u ahaa xiisadda ka dhex aloosantay Baariis iyo Al-Jeeriya, kolkaas oo labada dal ay isdhaafsadeen cayrinta shaqaale diblomaasiyadeed. Arrintan ayaa timid kadib markii xiisadda u dhaxeysa Al-Jeeriya iyo Faransiiska ay gaartay heer aan horay loo arkin, taas oo kasoo bilaabatay xarig lagula ka kacay diblumaasi u dhashay dalka Al-Jeeriya oo lagu eedeeyay inuu afduubtay qof mucaarad ku ah Faransiiska.

Si kastaba ha ahaatee, warbixintani waxaan ku sharxi doonaa heerka uu marayo qalalaasaha u dhaxeeya Al-Jeeriya iyo Faransiiska, nooca tallaabooyinka la filayo in Baariis ay qaado ee ka dhanka ah jaaliyadda Al-Jeeriya ee ku nool Faransiiska, sida ay tallaabooyinkaasi u saameyn karaan boqolaal kun oo Al-Jeeriyaan ah oo ku dhaqan dalkaas, iyo heerka ay gaarsiisan tahay xiisadda u dhaxeysa labadan waddan.

Haweenayda ku hadasho afka dowladda Faransiiska ee lagu magacaabo Suufii Bariimaas oo ka hadlaysay heerka uu gaaray xiisadda u dhaxeysa Al-Jeeriya iyo Faransiiska, ayaa sheegtay, in xiriirka kala dhaxeeyo Al-Jeeriya uu sii xumaanayo uuna ku sii socdo waxa ay ku tilmaamtay jihaha qaldan, iyadoo dhanka kalena sheegtay, inay qaadi doonaan tallaabooyin samayn doona qaybo kamida jaaliyadda Al-Jeeriya.

“Maanta, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Madaxweynaha Jamhuuriyadda, iyo Ra’iisul Wasaaruhu waxay ku hawlan yihiin qorsheyaal kale oo muhiim ah, gaar ahaan taabanaya qayb ka mid ah jaaliyadda Al-Jeeriya, si horumar looga sameeyo arrimaha qaar” ayay tiri haweenaydaan, iyadoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nooca tallaabooyinka la filayo.

Tallaabooyinkan ayay warbaahinta Al-Jeeriya ku micnaysay kuwa ciqaab ah oo ka dhan ah bulshooyinka Al-Jeeriya ee ku nool Faransiiska, iyagoo u tixgeliyey isbeddel khatar ah oo ku yimid qalalaasaha u dhexeeya labada waddan, taas oo muujinaysa inay Baariis ka aargoosanaysa jaaliyadda Al-Jeeriya ee deggan dalkeeda.

Bartamihii Abriil sankan 2025-ka, mas’uuliyiinta Al-Jeeriya ayaa laba iyo toban shaqaale oo Faransiis oo sifa diblumaasi ku joogay dalkooda ku amray, inay Al-Jeeriya uga baxaan 48 saacadood gudahood, iyagoo sheegay, inay yihiin dad aan looga baahnayn dalkooda.

Halkaan ka Degso Warbixinta Xiisadda

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.