Saturday, June 14, 2025
HomeAll NewsMeydada ku Dhawaad 10 Ruux oo Tahriibayaal ah oo Laga Helay Xeebaha...

Meydada ku Dhawaad 10 Ruux oo Tahriibayaal ah oo Laga Helay Xeebaha Dalka Jabuuti.

Kooxo muqallasiin ah ayaa waxay weerar ku qaadeen dad tahriibayaal ah oo saarnaa doon ku socdaaleysay badda dhexdeeda, waxaana ay halkaasi ku dileen tiro dad ah, halka ay kuwa kalena ku qasbeen iney doonta ka dagaan oo ay dabaal uga baxaan badda.

Xogaha ayaa waxa ay sheegayaan, in ay biyaha badda ku hafteen ugu yaraan 8 ruux oo kamid ah dadka tahriibayaasha ah, halka nolol iyo geeri toona lagu la’yahay 22 ruux oo kale.

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan socdaalka ayaa waxay sheegtay, in dadkaan ay qeyb ka yihiin 150 ruux oo sarnaa doonta la weeraray, waxa ay sidoo kale hay’addu tilmaamtay in la badbaadiyay qaar kamid ah dadkii soo dabaashay, iminkana xaaladooda caafimad lagula tacaalayo isbitaallo ku yaalla dalka Jabuuti.

Halkaan ka Degso Warka Jabuuti

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.