Malleeshiyaadka Ad-Dacmu As-Sariic ayaa saakay aroortii weerar loo adeegsaday diyaarado Drones ah la beesgaday, ciidamo katirsan kuwa Suudaan oo ku sugaa magaalada Ad-Dabbah ee dhacda Waqooyiga Al-Khurduum.
Weerarka ayaa si toos ah ubeegsaday xarun ciidan oo ay askarta xukuumadda Suudaan ku leeyihiin halkaasi, waxaana dhimasho dhaawac ku noqday qaar kamid ah askartooda.
Sidaasi si lamid ah magaaalada Marwi ee dalka Suudaan waxaa shalay galabkii ka dhacay weerar kale oo adeegsaday Drones, kaasoo uu ku dhaawacmay nin ka shaqeeya Korontada oo ku sugnaa magaalada.
Isku soo wada duuboo dagaallada wadanka Suudaan ayaa wali halkooda kasii socda, waxayna dadka shacabku ku dhex dhamaanayaan ciidanka dowladda Suudaan iyo kooxda RSF ee halkaasi ku dagaallamaya.
Dhanka kale meydadka gaaraya 320 ruux ayaa maalmihii lasoo dhaafay laga soo uruuriyay aagagii dagaalka ee magaalada Al-Khurduum, kadib markii ay ku le’deen badankood dagaalladii dhawaan halkaasi ka dhacay.
Meydadkan ayaa waxaa ku jira tiro yar oo loo badinayo iney shacab yihiin, kuwaasoo loola dhaqmay hab aan wanaagsaneyn, kadib markii qaarkood ceelal lagu riday, kuwo kalena loo aasay hab aan fiicneyn.
Dadkan dhintay ayaa laga helay goobihii ay ku sugnaayeen kooxda RSF, waana suuragal iney iyagu laayeen kadibna sidan ula dhaqameen, waxaana suuragal ah iney tirada meydadku kor usii kacdo.