Mas’uuliyiinta dalka Masar ayaa shaaciyay, in 10 qof oo tahriibayaal ah laga helay iyagoo meyd ah, xeebaha deegaanka Caziiziya ee galbeedka magaalada Barani ee dalka Masar. Dadkan ayaa la rumeysan yahay inay ka baxeen bariga dalka Liibiya, kahor inta aysan doonidu la qalibman.
Warar hordhac ah oo kasoo baxaya hay’adaha caafimaadka iyo kuwa ammaanka ayaa muujinaya, in meydadka dadka la helay ay siddeed kamid ah ahaayeen dad Masaari ah, halka labada kalana ay kasoo kala jeedeen dalalka Suudaan iyo Liibiya.
Dhacdadan ayaa mar kale iftiimisay qatarta ay la kulmaan dadka u bareera tahriibka, iyaga oo rajo ka qaba inay helaan nolol ka wanaagsan mida ay ku haystaan dalalka ay kasoo kala jeedaan, kuwaas oo raxan raxan ugu dhinta badwaynta madhetaraniyaanka.