Togga Sariirah ee ku yaalla mandiqadda Al-Mafluuj oo hoostagta degmada Al-Madhamah ee katirsan gobolka Al-Jowf, ayaa laga meydka Cabdllah Saalix Tasecaan oo la dilay.
Meydka ninkan la dilay ayaa lagu qariyay goobta kahor inta aan lasoo helin muddo sedax maalmood kahor ah, si rasmi ah ahna looma oga cidda dishay.
Gobolkan waxaa ka taliya malleeshiyada Xuuthiyiinta Shiicada ah oo qeybo badan oo kamid ah dadka Yaman kawada Jaraa’im kala duwan oo ay dilalka joogtada ah ugu horreeyaan.
Sido kale degaanada ay joogaan kooxda Xuuthiyiinta waxaa ka jira amni darro iyo daruufo nololeed oo kala duwan, malleeshiyaadkan ayaana dhac joogto ah ku haya hantida dadka shacabka ah ee ay dagaalladu daruufaha adag usababeen.