Monday, May 12, 2025
HomeAll NewsMid Kamid ah Culimada oo ka Digay Munkaraatka 18 May & Xadgudubka...

Mid Kamid ah Culimada oo ka Digay Munkaraatka 18 May & Xadgudubka Lagula Kaco Kalimadda Tawxiidka.

Mid kamid ah culimada Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay munkaraat-ka waa wayn ee la sameeyo maalinta 18 ”May” iyo xadgudubyada lagula kaco Kalimadda Tawxiidka.

Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed, ayaa si adag uga hadlay xad gudubyada ka dhanka ah diinta Islaamka ee 18 bishan ka dhaca deegaanada uu ka arrimiyo maamulka la baxay Soomaaliland iyo meelo kale oo kamid ah Dunida.

Wuxuu si gaar ah usoo hadal qaaday sida foosha xun ee loo ihaaneysto kalimadda Tawxiidka iyo magaca Allaah, isagoo udigay dadka ficilladaasi ku dhaqaaqaya.

18 May ayuu maamulka la baxay Soomaaliland u asteeyay maalin ay ku sheegeen maalin xorriyadeed, oo ay ku dhawaaqeen gooni u goosad, waxaana dhaca in kalimadda Towxiidka la ihaaneysto, maadaama ay ku qorantahay calanka uu maamulkaasi sameystay.

Halkaan ka Degso Warka Sheekh Mustafa

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.