Sheekh Naa’il bin Ghaazi oo kamid ahaa ducaadda muslimiinta ee kunool Marinka Qazza, kaalin weynna ka qaadanayya sabarsiinta iyo in sugidda dadka muslimiinta ah, ayuu kayaanka Sahyuuniga ah ku diley duqeymo cadowtooyo oo uu ka geystay magaalada Khaan Yoonis ee koonfurta Marinka Qazza.
Dr Naa’il bin Ghaazi oo ahaa caalim iyo aqoonyahan ka baxay kulliyadaha Engineeriyadda iyo Shareecada Islaamka, ayaa lix boqol oo maalin kabadan wuxuu qeyb ka ahaa ducaad farakuturis ah oo kasoo hadleysay Marinka Qazza, kuwaasoo muslimiinta u dardaaramyay iney sugnaadaan, cadowga Yahuudda ahna iska caabiyaan.
Wuxuu isticmaali jiray baraha bulshada, isagoo mararka qaar soo duubi jiray muuqaallo ka qeyb qaadanaya kor u qaadida macnawiyaatka muslimiinta, saameyntiisana waxay ahayd mid aad u xoogan, amalka iyo rajadana ku beera quluubta Muslimiinta.
Inakstoo uu ahaa daaci bulshada taxriidiya hadana ma ahayn qof hadalka oo keliya ku eg, dadka ka tacsiyeeyey istish-haadkiisa waxay sheegeen inuu ka qeyb qaadanayay dagaallada lagu dhiig bixinayo ciidamada Yahuudda ee ka socda Marinka Qazza.
Diyaaradaha Yahuudda ayaa gantaallo aad u culus waxay la dheceen guri uu ka deganaa Sheekh Naa’il magaalada Khaan Yoonis, waxaana la shahiiday qoyskiisa, sida ay ku warameen dadka soo tabiya wararka Marinka Qazza.
Muslimiinta Qazza ayaa aad uga muragooday istishhaadka Sheekh Naa’il bin Ghaazi oo kamid ahaa ducaadda firfircoon ee kasoo jeeda Marinka Qazza, waxaana dhanka kale dilkiisa ku faanay saraakiisha Yahuudda, oo ku sheegay inuu ahaa nin afkaar laga keeney dibadda soo geliyay Qazza, kaasoo ay ula jeedaan afkaarta Jihaadi ee uu xambaarsanaa Sheekha.